Saturday, January 31, 2015

Ciyaaraha

Waxaa xalay lagu kala baxay Group C oo ahaa groupka ugu 
adkaa kulamada heerka group-yada ee koobka qaramada Afrika.
 Algeria iyo Ghana ayaa u soo baxay wareega sideed dhamaadka
 koobka qaramada Afrika halka Senegal iyo South Africa ay
 shandadahooda ka soo xidh xidhan doonaan tartanka qaramada 
Afrika.afarta xul qaran ee kuwada jiray Group C ayaa kala ahaa 
Algeria, Senegal, South Africa iyo Ghana kuwaas ayaa dhamaantood 
haystay fursad ay ugu soo bixi karayeen wareega sideeda kooxood ee
 koobka qaramada Afrika.

Senegal ayaa kulamada ugu danbeeyay ka hor  Group C ku 
 hogaaminaysay afar dhibcood, xulka qaranka Algeria oo isaguna 
laba kulan ka urursaday saddex dhibcood iyo Ghana ayaa ku soo 
xigay halka South Afrika ay ahayd xulka ugu hooseeyay. kulanka
 dhex maray Algeria iyo Senegal ayaa ahaa mid xiiso badan isla 
markaana ay fursadihii ugu badnaa heshay Algeria. Algeria ayaa 
ciyaarta hogaanka u qabtay daqiiqadii 11 aad waxaana goolkaas u
 dhaliyay Riyad Mahrez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Algeria
 ciyaarta hogaanka ugu qabtay. Algeria ayaa sidoo kale qaybtii hore 
ee ciyaarta fursado kale iska qasaarisay. qaybta hore ee ciyaarta ayaana
 lagu kala nastay 1:0 ay Algeria hogaanka ku haysay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Algeria 
ahayd markale xulka gacanta sare lahaa waxayna markale abuureen 
fursado halis ah oo ay goolal badan ku dhalin karayeen. Daqiiqadii 81
 aad ayay Algeria heshay goolka kalsoonida oo ahaa mid aad u qurux
 badan oo gantaal ah u dhaliyay Nabil Bentaleb kaas oo ciyaarta u 
badalay 2:0 ay Algeria hogaanka ugu raaxaysanayso.
Ugu danbayn ciyaarta dhexmartay Senegal iyo Algeira ayaa ku dhamaatay
 2:0 ay xulka qarabnka Algeria ku dubteen Senegal. Algeria ayaa wareega 
sideed dhamaadka ugu soo baxday lix dhibcood.Algeria ayuu dhaawac ka
 soo gaadhay xidigooda Yacine brahimi.
Kulanka kale ee isla Group C ayaa dhex maray xulalka qaramada South 
Africa iyo Ghana. kulankan ayaa ahaa mid adag. xulka qaranka South 
Africa ayaa goolka ku hormaray, waxaana daqiiqadii 17 aad goolka u
 dhaliyay Mandla Masango, isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay South
 Africa hogaanka ciyaarta kula wareegay. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana
 lagu kala nastay 1:0 ay South Africa hogaanka ku haysay.
Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Ghana soo laabatay iyada oo dhaarsan,
 waxayna bilawday inay halis badan galiso goolka South Africa.
 Daqiiqadii 73 aad ayuu John Boye xulka qarankiisa Ghana uu u dhaliyay
 goolka barbaraha, wuxuuna ciyaarta u badalay barabro 1:1 ah.
Ghana ayaana sii kordhisay weerarka halista ahaa ee ay ku haystay 
difaaca South Africa, taas oo keentay in daqiqiadii 83 aad ay markale
 Ghana la timaado goolkeeda labaad iyo kan ay hogaanka ciyaarta 
kula wareegtay.Waxaana goolka labaad u dhaliyay André Ayew kaas
 oo goolkii horena caawiye ka ahaa, isaga oo ciyaarta u gadiyay 
2:1 ay xidiga madaw ee Ghana hogaanka markooda kula wareegeen.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2:1 ay Ghana guul 
 soo laabasho ah oo cajiib ah kaga gaadhay xulka qaranka South
 Africa. Ghana oo halis ugu jiray inay guuldaro kala kulanto 
S.Africa ayaa group C kaga soo baxday lix dhibcood waxayna isku
 dhibco ku soo baxeen Algeria.

No comments:

Post a Comment