Waa sheeko xambaarsan ujeedooyin dhawr ah oo ay ugu wayn
yihiin qaxarka qurbaha ee ku qabsada bulshada somalida dhanka kale waaa sheeko
u qaabaysan hab faneed khayaalkeeda hal abuur iyo hoosin uu aad u sareeyo,Curiyaha
sheekadu wuxu cabirayaa dhibaatada qurbaha isagoo sal ahaan uga
dhigayaa dhacdooyinka caadiyan ka dhaca bulshada somalida.
Qurbaawi waa nin ka sheekadan hab riwaayadeedka u dhisan
(Drama) ku metelaya sheekada qurba joog qoomamo hadhaysay ka dib qaxarka
qurbaha ee dadka ka qarsoon Waa sheeko inta badan ku dhisan sheeko dhexmartay
qoraaga sheekada iyo qurbaawi oo ah
ninka ku gaamuray qurba joognimoWaxan sheekada ka maqnayn erey suugaaneed
geeraro ah oo hab tiraabeed la isugu gudbinayo.
Sheekadan Qurbaawi waxay gudbinaysa Fariin iyo dhawaaq dheer oo ay ugu digayso
dadweynaha in lagu hugoobin qurbawaha oo
dadkana ay aaminaan dhulkooda oo ay intifaacsadaan.
QURBAAWI
Ma dheera
mana gaabna, waa nin dhexdhexaad ah wuxuu ku lebisan yahay shaati buluug ah iyo surwaal madow, waa cayn sanyahay
oo surwaalka ayuu shaatiga hoos ka mariyey, kabo buudha oo madow oo hadii cadceedo qabato indhahaaga cawaraya ayuu sitaa iguma cusba wejigiisu laakiin haatan ma
xasuusto, hadaan u fiirsaday oo aan hadalkiisa dhegeystey wuxuu illa muuqdaa nin afsomaligu ku adagyahay oo uu dhibayo
mase aqaano hadii sidani dhab ka tahay
ama uu is yeel yeelayo.
Salaanta
ayaa ku badan oo waa nin la xiisaynayo,
qofka hada la taagan mooyee kuwo kale oo kuraasida ku sugaya ayaaa jira oo iyana fursad ku gaadaya, malaha agagaarka hotelka oo dhan waxa loogu terisayaa waa isaga.
Ereyo soo
jiidasho leh ayaaa loogu yeedhayaa sida mudane halkan soo fadhiiso, waa
amiirkii goormaad timid, waa
gudoomiyihii qaar waa wasiirkii ayeey
leeyihiin aniguse weli waan jaahwareersan
ahay oo intaa kuu yahay ayaan garan
la’ahay.
Hadaan
cabaar goobta ku sii sugnaa oo wax
dhega dhegeeyey waxa lay
sheegay in ninkani yahay debed joog dhawaan dalka dib ugu soo laabtay welibana ku darsoo wuxuu doonaya in uu dalka maal gelin ku
sameeyo oo wershed koronto iyo mid dhagaxa raqda ayuu dalka ka
dhisayaa.
Gobonimo iga dheh, anigase markaan hotelkan soo
booqdo ee ay indhahaygu qabtaan
dhalinyaro qurba jooga oo dhalaalkii
yurub ka muuqdo, oo aan hal xoogaa ah sheekada wadaagno ayaan is moodaa
qurboowi oo naftayda iyo
anigu si hoose u muranaa:
- Naftaydaa dheegagtoo
- Dhulkay hoos u fiirisoo
- Waxay tidhi dhoohanoow
- Qurbaha waa lagu dhistaa
- Qurbaha waa lagu dhaqmaa
- Barwaaqaa laga dhaxlaa
- Waxaa tahay dhoohanee
- Hadeer maad dhaqaaqdidoo
- Dhulkan aad ka dhooftidoo
- Dhigaa waxay doonayaan
- Qurbaha ugu dhoofayaan
- Dheehoow maad garatidoo
- U dhooftid aduunyada camiran
- Dhulkaagii waa burburay
- Ciidii dheemanta ahayd
- Dhirtii noocyada badnayd
- Dadkii wada dhawrsanaa
- Dhamaan xidid wada ahaa
- Cadowgood ku dhiiranaa
- Dhexdooda midnimo lahaa
- Haday kala dheelmadeen
- Dhantaalmeen oo dumeen
- Cadaaladii Dheeliday
- Maxaa aad ka dhowrasaa
- Hadeer maad dhaqaaqdidoo
- Dhulkan aad ka dhooftidoo
- Dhigaa waxay doonayaan
- Qurbaha ugu dhoofayaan
- Dheehoow maad garatidoo
- U dhooftid aduunyada camiran
Naftayda
markay sidaa hoos iigu sheegto ayaa anna hoos ulla hadlaa oo aan dhehaa
maaha xaalku sidaa mooday:
- Naftaydaay dhiiranoow
- Dhugyeeloo fiijignoow
- Dhamaysee hadalkayga dhuux
- Dhawaaqan dooda ah dhegeyso
- Hadaad tidhi maanta dhoof
- Ka haajir dhulkaaga tidhi
- Dhuumo oo tahriib I tidhi
- Ka dheeroow ehel I tidhi
- Ku dhaantee Yurub I tidhi
- La dheel dheel cadaan I tidhi
- Runtii adaa dhoohanoo
- Dharaartii riyoonayoo
- Dhalanteed dhab u haysta oo
- Caqligu dhinac kaa jiraa
- Garashadu kula dheelidee
- Warkaaga laliyoo dhigee
- Murtidan dhaxalka ah bal hoo
- Anigu dheeg baan ahoo
- Dhulkaygaan aaminoo
- Wadani baan ahay dhaboo
- Dhirtiisa cagaaranbaa
- Dhaayuhu ay daawadaan
- Xoolaha waa dhoofsanaa
- Dhaqaaley noo yihiin
- Debeda waan u dhoofinaa
- Dhulkeenu waa diirimaad
- Kulayl lagu dhididi iyo
- Qabow dheguhu ku qarxaan.
- Dhibaatiyo foore ma leh
- Dhulweeyaan loo dhintaa
- Dhulweeyaan loo safraa
- Dhulweeyaan loo qadaa
- Dhulweeyaan loo samraa
In kastoo
ereyadaas aan naftayda ku dejiyo hadana
ma degini oo hadba markaan hebel baa tahriibay , mid baa soo degay iyo
hablaa dhooftey maqlo ayaan hiyi kacaa
oo aan u dhoowaadaa in aan toobiyaha cagta saaro, doqonoow lagaa teg oo asaagaa ka hadhay, ayligaa meeshuu tegay waa in aad tiigsataa oo aad u
tabaabushaysataa ayaan ku guuxaa
- Hebelkaa tahriibe hanti yeeshay dhaqshada
- Midka haybad yeeshe hawl yari ku galay yurub
- Hoteelada qurxoon iyo hantiyaystay gaadiid
- Halyeygaa horseedkee hambalyada salaanta ah
- Lagu hoobinaayee dadka wada hor kacayaa
- Himilada hankiisiyo waxa hagay dadaalkee
- Waa inaan hayaama hanti haybiyaa oo
- Helisink-da hodonka ah ku hagaa naftaydani
- Halisnimo badwayntaa safar haw ku siiyaa
Hada waxaa
meel agtayda taagan oo aan aad isugu dhownahay ninka aan anigu ulla baxay qurbaawi oo ah ninkii debed jooga
ahaa ee maal gelinta ganacsi dalka ka bilaabi lahaa, isla markii aan dhaayaha saarayba waxa aan go’aansaday in aan
barto oo aan ka waraysato qurbaha
iyo meesha uu ka yimi.
Hore ayaan
ugu dhaqaaqay salaan iyo is barasho diiran ka dib waxaan isku raacnay meel makhaayada ah oo hotelka uu degan yahay aan ka fogeyn, waa
meel buuq badan aan lahayn oo qayladu ku yartahay , jewigeedu degan yahay kuna wacan in sheeko lagu wadaago waa nin furfuran oo hadal badan balse afsomaliga uu ku hadaaqayo
waxa ku milmay afafka qalaad si
gaarana afka ingiriiska.
“Hoomka
dhawaan ayaan ku soo laabtay, dalka dhifaloobmanti buu gaadhay intaan absantiga ka
ahaa, ay
sinki in dadka in ay Biisaniska
aad u soo baranayaan, waxa fiyuujarka
aan dhihi karaa dalka waan fiicnaan doonaa”
iyo kelmado
kale oo aanan halkan ku soo koobi Karin ayuu daldalayaa.
Balse waa uu
iskula qabweyn yahay maankayga malaha qurba joogta waxa lagu gartaa marka
ay afkooda hooyo ku milaan afafka qalaad
ee dalka uu ka yimi ee uu dhalashada ka
haysto.
Malaha waxa ay isku arkaan hadaanay sidaas yeelin in aan dadka
laga dhex garanayn sidaa darteed waxa
keliya ee ay dadka kaga soocnaan karaa in
safka hore uu kaga jiro afka oo la jejebiyo, habka lebis oo wax laga
bedelo iyo dhaqanka soomaalida oo layska
indho tiro xataa hadaad waxa ka
taqaaneyna la dafiro.- Dalmaroow qurbo joognimo
- Dafir weeye afkaaga
- Dhaqankaaga duleeyoo
- Doori oo bahdil weeye
- Dadkaagii inkir weeye
- Dugaag aan wax kasayn iyo
- Damiiniin aad ku tilmaantiyo
- Afqalaad daldal weeye
- Dhaqankoo la dooorshiyo
- Damanaan qarsoon weeye
- Dawersiga shisheeyaha
- Diinaarka caydhnimo
- Dadnimadaa ku seeg weeye
Qurbaawi
sheekada ayaa weli noo socota, waxa uu ii dulmaray waxa uu dalka u yimi ka sokow in uu dalxiis
ahaana, hawshiisa ganacsi ee uu dalka u yimi ayuu iiga waramay , laakiin aniga meel baa igu dhegan waxaana aan u degdeg san ahay in uu iiga waramo qurbaha iyo dhulka ay
da’ayarteenu habeen iyo maalin u
sii socdaan, dhulka dartiis ay dhimasho ugu badheedheen ee ay saxaraha u
jiidhiyaan, dhulka ay bada madow
dusheeda u marayaan , beledka ay
dhaafsadeen dhulkoodii hooyo ee dhaxalka awoowe
ahaa.
Balse waxa
intaasoo dhan ka soo hormartay oo
qurbaawi ii sheegay in uu berito
dalxiis u aadayo baadiyaha waxana uu iga codsaday in aan hore u sii
raaco, hawraarsan ayaan ugu jawaabay waxana ku balanay in aan subaxda hore magaalada ka baxno si aan wakhti ugu helno maalinta inteeda badan in aan ku qaadano
miyiga.
Isku
soo kalahnay subaxdii, waa jarmaado
arooryee baabuurkayagii is taadhanay
cuntada fudud ee dalxiiska ku haboona hore u sii qaadanay dhinaca bari
ee magaalada ayaan afka saarnay markaan magaalada ka sii baxaynoba waxa sii yaraanasa
jabaqda iyo guuxii faraha badnaa
ee magaaladu la dakaameysey.
Waxan
sii gelaynaa oo sii muquuraynaa jewi degan oo naftaadu jamanayso, hawo nadiif ah oo lagu istareexayo , marba marka ka dambeysa
waxa
ku soo gaadhaya dhawaaqa codadka shimbaraha kala duwan iyadoo
indhahaaguna ku dheegagayaan
buuraha wadada aan marayno ku gedaaman
ee cagaarku buuxiyey iyo dhulka banaan ama siman ee dureemadu seexatay xooluhuna daaqayaan waxana
ma hadho kugu reebaya saaxaha iyo
dhulka godanka ah ee roobabkii dhawaan
da’ay biyaha dhigeen rahuna dhex mushaaxayo udgoonaa oo caraf
badanaa Daawashada ku wacanaa, oo ma waxa jiro
nolol tan ka wanaagsan alleyleh
maya ayaan is leeyahay.
Saaxiibkay
qurbaawi ayaa gaadhiga shafeer ka
ah, ukuyaali madow ayaa indhaha u
gashan suunka gaadhiga ayaa u xidhan, shukaanta ayuu madaxa la dhacayaa oo hees uu
qaado maykal jagsan ayaa noo shidan aniga dhan dhan iima leh oo waxaan
ka jeclaan lahaa in hees Xasan aadan
qaado ama Axmed cali cigaal in uu noo
saaro hase yeeshee isaga waa tiisii oo waa uu isla
maqan yahay marmarna waaba la qaadayaa mar marna intuu aniga isoo eego ayuu leeyahay
ninka heesta qaaday miyaad garanay waa
Maykal Jagsan boqorkii ciyaaraha qoom ka
ciyaarka, ooh afrikaan maxay ka kasayaan.
- Maykal ninkan la weynaa
- Macnohooda ereyada
- Tolow miyuu fahmaayaa
- Mise dhawaaqan baxaayiyo
- Miyuusiguu majeertoo
- Madaxa uu la ruxayaa
- Ma hilmaamay moogiyo
- Baxsantii magool iyo
- Abwaanadii mudnaayee
- Magaca weyn lahaayee
- Lala wada maqsuudee
- Murtidooda miida leh
- Miisaanka ereyada
- Maqalkii haloosiga
- Macne ugu sameeyaan
- Marka aan xusuustaa
- Maskaxdu ay I muragtaa
- Maankaygaan baadhaa
- Maanta yaa bedelayoo
- Metelkoodii dhiganoo
- Murtidoodii dhaxalnimo
- Mudo aan ku murmaa.
- Dhaqankiisa nin maagay
- Macne la’aan ku tilmaamay
- Maamuuskii umadiisiyo
- Ma huraan wadankiisiyo
- Minankiisa duleeyey
- Mid kaleeto amaantiis
- Kuma meel marayee
- Meegaaga yaa tala siiya. Sheekadu
waa qof walba qumanihiisaa qoorta u
sudhan, waxaad adigu ceeb u aragtid ayaa nin kale caadadiisa ah, miyuusiga dhawaaqa dheer ee gaadhigu la ruxmayo waxa nooga sii daran xawaaraha sare
ee gaadhigu ku socdo.
Waxaanse marakan ku soo baraarugay gaadhigii oo bireega qabtay iyo qurbaawi oo intuu si halhaleela kaamaradiisa u dafay daaqada iska furay horena ugu sii talaabsaday meel aan wadada sidaa oga fogeyn oo adhi ido u badani daaqayey, adhiga waxaa sheeda ka jirta gabadh xadhig soohaysa si qurux badana u hagoogan hore ayeey u soo taabacday markay aragtay qurbaawi oo intuu jilbaha dhulka dhigtay kaamirada isla kala jiiday si uu sawir u qaato.Gabadhii aragyaaba waa ka intuu istaagay oo uu kaamiradiina gacanta bidix ku qabsaday oo hadba dhinaca isku qaloociyey xagii inantu ka jirtay u siisiqay isaga oo aad moodo in uu cagaha dhulka kala baqayo oo sidii bahalka jirjoolaha hadba talaabo qaadaya.Haay haay ayuu durbadiiba u laliyey gabadhii, uma aysan jawaabin malaha way la amakaagtay, waa uu ku celiyey hase yeeshee dheg jalaq uma aysiin ee adhigii ayeey go’a u tuurtay una jeedisay jihadii gurigoodu ka xigay.Kama hadhine qurboowi inta uu is booxbooxay oo uu iska dhaadhiciyey gabadhu in aanay maqleyn oo ay xoogaa dhego culus tahay ayuu cod dheer ku yidhi
- Hodoneey biliis I dhegeyso
- Hoomka waan ka maqnaa
- Washinton iyo heegbaan
- Hawlo aan ka hayoo
- Huuno aan deganaayoo
- Helsi keerka Obaamiyo
- Qorshihiisa hogaankaan
- Afrika aan ku hagaayee
- Jaanis maanan heleen
- Halkan aan ku imaado.
- Eeriboorka hitroo
- Habeenkaan ka soo duulay
- Hayti baan ka quraacday
- Gaanaan haybinayoo
- Fishankaygu ahaaye
- Bayloodkii baa iga hurdooday
- Oo dhaaragshankii ka halaabay
- Haydarajiinta la sheegiyo
- Ogsijiinta hilaacdaan
- Hawada isku salaanoo
- Hoygoodaan ku nastoo
- Habeenkaa aan ku caweeyey.
- Keenyoo heer ka labaad ah
- Qorshayga hogaanka
- Dawladaha aan ku hagaayo
- Yaan habowgii ka degoo
- Hawshii aan ka bilaabay.
- Daa time baan hamiyoo
- Holi dhay in aan qaato
- Dalkii hooyo aan buuqdo
- Ani hoow ku adkaystee
- Hadalka aan soo ururshee
- haloow may is baranaa?
Cajiib, ma waxaan labada dhaban gacanta la saarinbaa, af aad badh garanayso ka waran, hadalo kala dhiman sidee oga jawaabi kartaa , gabadhii inta ay socodkii hakisay oo dhankii qurbaawi soo jaleecday ayeey tiri barasho horteed Googaa?
Cigale ayaa la sugayee waa ka qurbaawi kubada dhinaca kale u laaday , oo sidii macalin arday wax u sharaxaya intuu faraha fiiq fiiqay qaadaa dhigay shirkada guugal ee dhinaca internetka isagoo ay caqligiisa la tahay in gabadhu weydiisay guugal, alla yaa u sheegaa in aanay weligeedba dhegehoodu maqal, sheekana aanay ku soo gaadhin laba kala bariday kala war la’a.Ilayn tanina waa kuu dhinayd, ruuxan jaan jaanka ah maxaa kugu ibtileeyey ayeey gabadhii iskula sheekaysatay, waxayse si dadban ugu sheegtay in labadoodu aanay ahayn kuwo isla jaanqaadi kara, haasaawe iyo sheekona aanay isku fahmi Karin, mustaqbal iyo aayatiin dambe iskaba dhaafe:- Hadalkayga maad garan
- Nuxurkiisii hoosiyo
- Hilinkiisii toosnaa
- Hareertaad ka dhaaftoo
- ka haboowday meeshii
- Hogadiisu ahaydee
- Hootadu ay ku dhaceysey.
- Ha yeeshee hanadoow
- Aduunku waa kala heer
- Qaar baa habeen ku jiroo
- Saacadaa aynu hadlayno
- hurdo jiifa macaan
- Inana waa hiirtii waa beriyoo
- Daruuraa ina hareeyoo
- Qoraxdii ku hagoogtoy’e
- Ha u qaadan habeen.
- Dalal baa hormaroo
- Higsanaaya daruuraa
- Dayaxaa u hayaamay
- Cilmi bay hantiyeenoo
- Halkaa ay ku tageen
- Kuwa kalaa hada toosoo
- Hilinkooda ku jooga
- Dalalna waa ka hadheen
- Oo habeen baa u dumoo
- Hanadoodii soo kacayaa
- Ku habsaamay cidloo
- Sidaada loogu hungoomay.
- Afkaagii baad hoos marisoo
- Mid kalaad heegada geysay
- Hawraartiisiyo jiiftada
- Halxiraalihiisa dahsoon
- Weedhihiisa hulaaban
- Hareertaad ka martoo
- Hanaqaad wax gudoo
- Hawlkara oo aan kaftamayn iyo
- Halyeey baad isku mooday.
- Haanta aan gunta taabtee
- Mar hadaadan horweyn iyo
- Faras heenso la saariyo
- Hugmaayoow qorigiiyo
- Habraacii soo mari hayn
- Isku haad baynaan ahayne
- Hanadoow raali ahoow.
Quusay oo candhuuftisii dib u laq qurboowe, sawiro qaadasho iyo hadba buur dheer kor , baliyada xareedu hareysey dabaasha , sidaan ugu jirnay ayaa qoraxdu bartamaha weedaaratay , maaha meel laga xiiso go’ayo oo milicsigeeda laga daalayo, balse wakhtigu noo saamixi maayo in aan ku sii nagaano.Magaaladii aan saakadii hore ka jarmaadnay ayaan dib ugu soo carownay , goor taan hoteelkii soo gaadhnay ayaa haweeneey barooranaysaa qurboowe isku martay, indheheeda ilmaa ka da’aysa , ganbadii waa xoortay oo timahaa baalbaalan, kaba ma sidato oo waa ay caga cadahay, Naxdin ayaa anigii isaaqday qurbaawina igaba sii daran oo waxan ahayn maxaa dhacay afkiisa waa laga waayey.Xaalku markuu saacad sidaa ahaa ayaan haweneydii qurbaawi ku qanciyey in ay is dejiso oo ay u waranto waxa soo kordhay, dabadeedna intay kursi halkan ah ku soo fadhiisatay ayeey qurbaawi ku tidhi “ Caruurteenii ma warbaad ka haysaa, gaaladii baa saaka gurigii ugu timi oo ka kaxaysatay,habaryartoodii aan oga nimina waa la xidhay oo beritaa la maxkamadaynaa” ka daroo dibi dhal, iyadaa rooneyde waa ka isna markiisa siraatay , waaka dhulka isla dhacay oo faraha iska qaniinay , waa ka hadba gidaar isku qaaday, anaa qurbe doontay, anaa caruurtaydii ku haleeyey, anaa gaalo u geeyey ayuu ku cataabayaa.Haweeneydii baa daba ordaysa oo markiisa la baaxaa degeysa sheekadaan ka fahmee waa xaaskiisii ruqiya oo ay debeda ka wada yimaadeen, caruurtoodii magaaladii ay degenaayeen ayeey kaga yimaadeen iyagoo kaga soo tegay habaryartood marka laga reebo wiilkii ugu yaraa oo ay soo ka xaysteen.
- Caadilow alahayaw
- Casiiskii na uumow
- Caqali doorsamaa yiri
- Cari gaalo joogtaan
- Ku caraabay door hore
- Caymada naftaydiyo
- Cisi iyo karaamiyo
- Ceebli ku joog baan
- Cindigayga geliyee
- Canaanada naftaadiyo
- Caalwa la ciishiyo
- Cawo maaha murugoe
- Cadilkaa u caymood
- Caruurta la qaatiyo
- Ciroolaha la xabisee
- Rabaa cayminkaraye
- Caqligaaga kaashoo
- Cibaadada ulaaboo
- Ubad caynad wacan
- Caadilkaa haneeyee
- Ciirsi maaha gaalkuye
- Ku cawee dhulkaagani
Qurboowi iyo xaaskiisii Ruqiyo waxay dib ugu laabteen qurbii iyagoo dacwad dheer ka dib ku guuleystay in ay caruurtoodii la soo laabtaan, degdeg ayeey diyaarad u soo raaceen oo ay dalka dib ugu soo laabteen iyagoo garowsaday in wadankooda hooyo meel kale oo lagu doorsadaa in aanay jirin.Mahadsanid Akhriste
Dhamaad
Waa Qalinkii iyo Maskaxdii:Siciid Cabdi Xasan
Dean of Business Administration in EAU Erigavo
Erigavo -- Somaliland

No comments:
Post a Comment