Taariikh Nololeedkii Shaykh Inbu-baaz
Marka hore waxan ku bilaabaynaa magaca Alle ina baray qalinka iyo qoraalka ,sidoo kale ina baray waxaynaan aqoon ina siiyey diin aynu raacno inoogu deeqay dad diintaasi uu ku ilaaliyey Allahaasa mahad iyo amman dhamaanteed u sugnaatay.
Intaa ka bacdi waxaan jecelahay inaan idin la socodsiiyo qayb kamid ah waayihii iyo waqtigii noloshiishii shaykh ka mid ah culimadii casrigan aan joogno gacan weyn ka geystey ugar-gaarida diinteena suuban.
Waa haldoorkii hal-muceedkii ,waa caalimkii ,waa muxadiskii ku xeel-dheeraa xadiiska nebiga caleyhi salaatu wasalaam waa faqiihii Caalimkii qarnigiisa waa muftigii islaamka waa geesigii aan la gabban jirin xaqa wa halgamaagii diinta inaan bidac lagusoo kordhin .Waa Cabdul casiis Ibnu baas waxa uu dhashay shaykhu DUL-XIJAH hilaad tirsiga islaamka 1330H magaalada RIYAD waxa uu ilaahay u dhamaystiray dadka kalena kala sinaa oo uu qabey indhihiisa noloshiisa intii dhalinyaranimada balse waqti waqtiyada ka mida baa waxaa soo foodsaaray xanuun dhinaca indhaha ah muddona uu la il-darnaa sanadii 1346H marba marka kasii danbaysa waxa soo yaraanayey heerka araga caalimka balse waxa uu si toos ah u indhihiisa u waayey 1350H.
Sheekhu waxa uu quraanka xifdiyey isaagoo aan qaan gaadhin taasina waxa ay ku tusinaysaa heerka iyo marxaladiisa cilmiga inay soo bilaaban tay waqtigii barbaaritaankiisa,sidoo kale waxa uu markiiba bilaabay in uu dalbo aqoonta diiniga ah noocyadeeda kala duwan siiba magaaladiisii RIYAD culimadii markaasi joogtey intaa kadib waxa loo magcaabay garsoorka waqtigu marka uu ahaa 1357H xilkaas uu sheekhu umadda u hayeyna wax mashquul ah ama caqabad uu taab la roggi waayey kuma noqon halkiisii buuna kasii wadey cilmi baadhiistiisii,dhigistii,iyo dhigashadiiba.Waxana uu u guntadey barista iyo uga faa’iideynta ummada cilmiga habeen&maalinba khaasatan cinaayadii uu siiyey cilmiga xadiiska iyo qaybihiisa kala duwan marka laga eego dhinaca saxiixinta iyo daciifintaba. Waana heer&derejo ay yartahay cidda gaadhey waqtigan xaadirka ah.
MASHAAYIIKHDII SHEEKHA (CULIMADIISII)
Cilmiga barashadiisa maadaama uu sheekhu u heelanaa geed dheer iyo mid gaabana u koray culimadiisii hadii aynu ka soo qaadano qayb ka mid ah: -----
1. Sheekh Sacad Binu Waqaas Al-Bukhaari oo ka mid ah culimadii magaalada makka .
2. Sheikh Muxamed binu ibraahin Binu A/ladiif oo sheekhu muddo tobaneeyo sano ah cilmiga ka qaadanayey.
3. Sheikh Sacad Binu xamadi Binu Catiiq ahaana garsoorihii markaasi ee riyaad
4. Sheekh Xamad ibnu faaris.
Ilaahay dhamaantood haka abaaliyo hana u naxariisto iyaga iyo sheekhaba.
Shaqooyinkii Iyo Xilalkii Sheykha
Shaqooyinka uu qabtay iyo xilalkiisu aad bay u kala duwanaayeen waxana ka mid ah:-
1. Waxa uu wadaadku madax ka noqday Hay’atu kibaarul culamaa ee boqortooyada Sucuudi Arebia.
2. Waxa uu xubna ka noqday madaxna ka noqday golaha raabidada islaamka .
3. Waxa uu madax ka noqday sheekhu raximahu Allahu golaha joogtada ah ee cilmi baadhista iyo fatwada ee loo yaqaan (lajnatu Daa’imah)
4. Waxa uu xubin ka noqday golaha sarre ee jaamacada madiinah.
5. Waxa uu madax ka noqday majmaca fiqhiga islaamiga ah ee makka al mukkarama.
Intaa kuma ekayn shaqooyinka uu ummada u hayey waxa uu jeedin jirey khudbado,iyo nadwooyin cilmi, wanaag farista iyo xumaan reebista,cilmi dhigista.
Kutubtii sheekhu qoray (mu’alafaadkiisa)
1. Majmuucu Fataawaa iyo Maqaalaad kala duwan(oo iminka 60 majaladood sii socda)
2. Al-fawaa’idu Jaliyah fil Mabaaxisil faradiyah(dhaxal)
3. Al-Taxqiiqu wal Iidaax likasiiri min masaa’ili Xaji wal cumrah Wasiyaarah (Tawdiixu Masaanik)
4. Al-Taxdiir Minal Bidac oo ka kooban Afar maqaalo kana mid tahay arinta uu aadka gaashaanka ugu daruuray ee Qisada ‘’Axmed daad’’ ee qabriga nebiga caleyhi salaatu wasalaam.
5. Laba risaaladood oo koob kooban kana hadlaya Soomka&Sakada.
6. Caqiidada Saxiixa ah iyo waxyaalaha lidiga ku ah .
7. Shaykh Maxamed ibnu Cabdi wahaab siiradiisii iyo taariikhdiisii.
Intaa iyo inla mida toona laguma soo koobi karo hadii loo qalin qaato mahadhooyinkii iyo taariikhdii suubanayd ee maalmihii uu noolaa sheekhu
GEERIDII SHEEKHA
Waxa shiikhu uu aduunka ka tegey maalin Khamiis 27 Muxaram ah sanad tirsiga islaamka 1420H iyadoo maalintii jimcaha ay khalqi farabadani ku tukadeen sheikh
Tixraac:
Hubintii:Sheekh Sulaymaan Ahmed Yuusuf
Qaybka mid ah tarjamada kutubta sheekha aan soo sheegnay
Wixii talo iyo tusaale ah waxa aad noogu soo diri kartaa emailka:qudeef44@gmail.com
W/Q:Ahmed Ali Abokor

Mashalah
ReplyDelete