Xin haween iyo xaal mooga Rag
Dhawaan ayeey is guursadeen oo ay
guri yagleeleen, waa is ku kalsoonyihiin oo is
aaminsanaan qoto dheer ayaa laga dheehanayaa, waa
ay is ixtiraamaan oo ay is qadiriyaan , waa ay isku
dhego nugul yihiin oo qof ba kan kale si quman ayuu u
dhegaystaa , waxay isku arkaan lamaane isku dhigma ama isku haboon
oo isdoorashadoodiina ay ahayd mid ay ku guulaysteen oo
aanay ku hugoobin.
Kalgacaylka ay isku hayaan waa mid sii xoogaysanaya oo
dhidibada sii aasanaya, maadaama mudo yar aqal galkooda laga joogona
xiisaha kalgacal waa mid aan weli duugoobin ,waxay sugayaan
awlaad khayr qabta oo ay ku nastaan, aduun iyo aakhirona
anfacda oo ay Rabi weyne ka tuugayaan, waxay isku madadaaliyaan
sheekooyin iyo mala awaalo ay niyada isugu dhisayaan oo ay ku
odorasayaan mustaqbalka iyo waayaha ku soo aadan.
Waxay isku waaniyaan oo ay intabadan isku
beer la xawsadaaan inta nolosheena ka dhiman sidan aan isku ahaano,
farxadan iyo is ixtiraamkan aan ku wada noolaano, wehel aan isku ahaano oo
yeenaan kala dheeraan, aan wado jirno oo yeenaan kala socon, aan isku
duubnaano oo yeenaan kala firdhin,cid inagaa isku xigna iyo inagaa
maanta is huran ayaa u badan weedhaha ay is dhaafsanayaan ee
ay inta badan ku cawaysimayaan.
Waa hadalo iyo caado soo jiraana oo loo garaabo mana
aha wax lala yaabo marka loo eego qoys iyo geyaan dhawaan is
calmaday oo weli xiisihii kalgacalku laabtooda ka sii
tifleeyahay.
Amankaaga iyo lama arag maaha in ay isku
beer dulucsadaan aan noqono lamaane aan jacaylkoodu duugoobin in uu
sii tanaado maahee, had iyo jeer aan ku dedeelno in aan tusaale u
noqono bulshadeena oo aqalkeena curdinka ah ahaado mid
tusaale u noqda geyaanka is dewerinaya oo ay kaga
daydaan lamaanaha is fahamsan ee nolosha sida toosan u wadaagi kara
.
Duruufkasta oo ina soo wajahada,waayaha iyo wakhtiyada is bedelaya
, xiliyada kala guuraya ee aduunyada is daba marteenaya waa in
gacalkeenu sii koraa oo aan isla jaanqaadnaa isuguna dulqaadanaa oo aan isugu
garaabnaa isbedelada ay la imanayaan ayaa ka mid ahaa ereyada
qorsho iyo qamaan had iyo jeer markay fursada isku helaan ay
isdeeqsiiyaan.
Qamaan wuxuu inta badan maankiisa ka guuxaya shirqoolada
dumarka iyo sida laba is jecel oo isku kalsoon ay u kala dilaan, sida ay u
kala irdheeyaan iyo sida ay u kala fogeeyeen, sidaa darteed ayuu inta
badan qorsho ku baraarujiyaa in ay ka digtoonaato haweenka
sharwadayaasha ah ee sababta u noqon kara burburka
kalsoonida ay hada isku qabaan iyo guul daro soo wajahda xaqiijinta wax
yaalaha ay mustaqbalka lamaanahani ku hamiyayaan.
Wuxuuna qamaan markasta qorsho dhegta ugu sheegaa oo uu aad
oga dhaadhicyaa jabka ku dhaca haweenayda dhegta u dhigta wax
yaalah ay falkinayaan dumarkaasi isaga oo leh” Guri dhisan bay
dumiyaan, heer faraxsan bay kala diraan,qoys quman bay qaribaan, u jab
qofkii dhegaysta , ku hoog qofkii u jilca, ku be’e qofkii rumaysta, ku hungoow
qofkii ku raaca, ka rey qofkii ka leexda, ku badhaadh qofkii ka hiilsha,qorshooy
taxadar, qorshoy digtooni, qorshooy ka fogoow”.
Qorsho madaxa ayeey u ruxday dardaaranka iyo
talada wax ku oolka ah ee seygeeda qamaan, waxay u aragtaa hadal
mudan in la qaato oo hordhac u ah mowjado weedho wax u tar u
ah sii adkaynta dhidabada uu aqalkoodu ku dhisanyahay iyo sii
xoojinta kalgacalka ay ku midoobeen ee ka badhax tiran kala shakiga iyo
madmadowga, waxay qamaan ugu warcelisay :
waanadaada qaatoo,
Weeleeyey hadalkee,
Wacdigaa dhexdeeniyo,
Waa wacad adkaytuye’
Walbahaarka tuuroo,
Waalida haweenkiyo,
Weedhahooda beenta ah,
Weerarkooda dumiska ah
Waanadooda hooga ah
Waan iska jiraayaa.
Waxa tahay naftaydii,
Wedka eebe mooyee
Waqtigu inama kala wado,
Waayaha aduunkana
Wixii saaka dhici iyo
Waa hore wixii dhacay
Waa wada qornaayeen
Weyneheena Eabaa
Warsamoow qorsheeyoo
Waaxidkay u gaartahay.
Waase in aan dedaalnaa
Wanaag aan ka talinaa
Waayaha u samirnaa
Wehel isku ahaanaa
Walaal aan is maqalnaa.
-qamaan wuxuu soo xasuustay suugaantii somalida iyo qiimo
badnida qofka wax kaa maqla ee aad isku si wax u argtaa, wuu ku qabowsaday sida
xaaskiisu talada u qaadatay iyo sida wanaagsan ee ay jawaabta debecsan
ugu soo celisay, dad waxaa u wacanaa kuuguna wanaag badan qofka waanadaadiyo
wax ku qaataa hadalkee ayuu maanka ka leeyahay, wuxuna uu niyada ka
go’aansaday in xaaskiisa qorsho oga mahadceliyo uguna bogaadiyo
sida qiimaha badan ee ay dardaarankiisa u adeecday isagoo leh:
Dumar wada qadarin mudan,
Dusha muuqa guud iyo,
Daymada isaga eeg,
Dadnimada xishoodkiyo,
Dulqaadkiyo dangarashada,
Daa’inkii ku siiyaan,
Degen kugu mahadiyaa,
Debecsanida weedhiyo,
Degenaanta hadalkaad,
Dadka ugu saraysaa,
Dareenkaygu siduu qabo,
Dadka taan ka doortee,
Dugsi ii ahaydee,
Dunjigoodba haween
Dawada iiga ahaydee
Damal aan ka dhigtaay.
Duniyooy degelkeeniyo
Deegaanka aynuu ku noolahay
Dumarkii hoganaayey
Dahabadaan ka xushee
Dugsi aan ka dhigtaay.
Dardaarankii hadalkayga
Dulucdii fahamkeeda
Degdegii aqbalaada
Dareenbay igu beerto
Ducaan hoobinayaaye
Amiinta iigu dedaal.
Da’ada aynu sugayno
Duriyad saafiya oo
Dalka aynu ku noolniyo
Diinta daafici doonta
Daacadoo ina daryeesha
Daa’inkeen haka yeelo.
Daar aduun waa belo oo
Dembigaa iska badaasa
Duulkii diinta islaamka
Dariiqii nebigiina (NNKH)
Dowgaa toosan ku aada
Daa’in haynaga yeelo.
Daar aduun waa belo’oo
Dulmigaa badanoo
Dushaa layska maraayoo
Daciifkaa la dulmaaye
Duulkii Diinta islaamka
Dariiqii nebigiina
Dowgaa toosan ku aada
Daa’in haynaga yeelo.
Daar aduun waa belo’oo
Duni weeye dadkii
Damiirku uu ka xumaaday
Dabayaaqo la joogo oo
Diintii waa la hilmaamay’e
Duulkii Diinta islaamka
Dariiqii nebigiina
Dowga toosan ku aada
Daa’in haynaga yeelo.
Daar aduun waa belo’oo
Duni weeye imtixaan
Dadku ay tartamaan
Derejaa la diyaarsanoo
Daartii aakhiradeena
Dabcan loo tabcayaaye
Duulkii diinta islaamka
Dariiqii nebigeena
Dowga toosan ku aada
Daa’in haynaga yeelo.
Duni weeye haldoorkii
Dalka uu ka dhamaaday
Doraad ay galbadeenoo
Doqoni ay talinayso’e
Duulkii diinta islaamka
Dariiqii nebigiina
Dowga toosan ku aada
Daa’in haynaga yeelo.
Duni weeye haweenku
Dagaalka ay huriyaan
Dumiyaan nabadoo
Doonayaan kursiy’e
Duulkii diinta islaamka
Dariiqii nebigeena
Dowga toosan ku aada
Daa’in haynaga yeelo.
Duni weeye diyaanoo
Diirkii baa la nacoo
Dubkaa layska rogaa
Dibnahaa la casaysane
Duulkii diinta islaamka
Dariiqii nebigeena
Dowga toosan ku aada
Daa’in haynaga yeelo.
Duni weeye dadkii
Dulli ay dugsadeenoo
Debedaha u bexeenoo
Doofaar gaala baryaan’e
Duulkii Diinta islaamka
Dariiqii nebigiina
Dowga toosan ku aada
Daa’inoow inaga yeel
Duniweeye dadkeenii
Doorbideen qurbowoo
Danta oroba la mooday
Doonyaa laysku guraa
Dalkii waa la cidleeyey
Dardaarankii sayidkii
Duryankii daraawiishta
Dulucdii abwaanada
Duulaankii la aloosee
Dameerka orobaad
Dalka looga xureeyey
Diricyadii lagu laayey
Duunyadii lagu waayey
Dumarkii lagu dooxay
Da’ayarteene ilowday
Dubaaqooda ka saare’e
Daa’inoow garansii.
Duni weeye wadaadkii
Dadka uu dhacayaayoo
Daacadiina idlaatay’e
Duulka diinta islaamka
-Waa haweeney uu ninkeedu amaan huwiyey,ducona ugu daray,
dhoolaha ayeey cadaysay,waa isla baxday qorsho, waxayna mala awaashay in
seygeedu uu ku qanacsanyahay oo aanu naag kale quud darayn Karin, waad
kasbatay oo aad qalbigiisa degtay, gacanta ayaad ku haysaa oo adiga indho
aan ahayn ma leh, kaama maarmo saacad , haduu ku waayo waa abaarsan,
hadaad ka fogaato wuu ku tebi oo ma jecli in aad ka dheeraato , walaahay
in aad haweenay ilbax ah ooh awl kara tahay waa shabahdaa oo aad
leedahay dabeecadii iyo kartidii hooyadaa suluugla ayeey nafteeda
kula sheekaysatay.
Aduunyadu waa silsilade, Qamaan shaqo ka wanaagsan tii hore oo
ahayd Macalinimo ayuu helay, shirkad ganacsi oo deegaanka aad looga
yaqaan ayuu madax looga dhigay, dhaqaale fiican iyo magac fiicana waa ku
helay
Dadka badidiisu waa ka dhex yaqaaniin bulshada, waa nin lagu
xisaabtamo oo laga tebo golayaasha uu ka maqan yahay, aafadiisa qorsho badi
wakhti iskuma helaan mashquulka badan awgiis, Aroortii buu soo
jarmaadaa isagoo gataatic dhac ahna habeenkii saq dhexe ayuu guriga ku
laabtaa, xiliyada sanadku dhamaado ee xisaab xidhku jirona jiifba
ka dheer oo soo jeed buu waaberiga ku gaadhaa, haseyeeshee oridiisa
qorsho waa u jajabantahay oo gurigiisa markuu dib ugu laabto
jigraar kalama kulmo ee soo dhoweyn iyo kalgacayl ayuu ka
helaa.
Qorsho maanta waxay soo dhoweyney oo booqasho
ugu imaanaysa walaasheed kor oga weyn waa Cawedo oo
intii qorshe aqal gashayba aanay is arag xiiso badana ay isku
qabaan oo ay isku boholyoobeen.
Soo dhoweyn diiran, sheekooyin iyo dhacdooyin la soo dhaafay
oo dib loo gorfeeyey ka dib, waxaa laysla wadaagay xaalada
qoyska waxay cawedo oo arki weydey dumaashigeed weydiisay
qorshe halka uu ku maqan yahay qamaan, si fudud ayeey u tidhi
qorsho “ oo miyaadan ogeyn qamaan in uu
shaqo heer sare ah helay, mashquulkiisiinu badnaaday, ma anagaaba aragna sida
uu subaxda hore nooga jarmaado habeenkii uun baa u xigta oo
uu guriga dib ugu soo noqdaa”
Cawedo : oo waa tuu macalin
ahaaye miyuu ka dalacay shaqadii macalinimada taa
uun baan ku ogaaye dee intaan isla soo hadleyney ee
teleefanka ku wada xidhiidhanayna iima aadan soo sheegin oo waad naga
qarisee.
Qorsho: oo in aan idiin soo sheegaan
u malaynayee, xaajigu mar horuu ka dalacay shaqadii macalinimada oo isaga
tegay, dee awelba xaga dhaqaalaha waxba kuma qabinoo meeshuu wax ka
dhigayeyna dugsi sare buu ahaayoo mushaharku waa iska yaraa,
iminkase shirkad weyn buu madax ka yahay waa mashquul lamama arko
sida aan kuu sheegayaa ka asala, ha iska hawl badnaatee
dee dhaqaale fiican buu ku qabaa, anagana waa naga
daryeelaa oo dee waa anigaa gurigaa weyn ee intaa baaxadiisu le’egtahay,
shay aduunyana ku dhanyahay dhex mushaaxaya.
Halkaa markay sheekadii marayso ayeey cawedo
cadhootay oo wejiga bedeshay
Si kuluulna ugu tidhi walaasheed qorshe, naa aniga hooy I
dhegayso waan kula talin lahayn hadaad mar hore in sidan wax isku
bedeleen aad noo sheegi lahayde
Inan yar oo aan wax ogeyn baa tahay’e
Rag haduu lacag yeesho
Rugahay badiyaanoo
Raaliyadii ay calmadeen
Reerohoodii horooto
Raxmooy waa inkiraanoo
Rago waa gododle’e
Raage mays ka hubtaa??
Rag haduu lacag yeesho
Runta waa ka tagaan
Raadka waa bedalaanoo
Ruun kaleey la rifiiqiyi
Ragu waa gododlee
Raage mayska hubtaa?
Qorshe intay soo booday ayeey waxay tidhi naa cawedo ma wax baad
maqashay oo ma cid baad ku aragtay qamaan, maxaa ma hubtaa iyo ragu
waa gododle keenay.
Cawedo intay goonyaha eegtay oo ay hadba dhinac u janjeedhsatay
bay ku jawaabtay” alla waa gabadh yar oo aan rag iyo
tabihiisa aqoon
Haday wax ogaan lahayn sidaas miyeey dhihi lahayd, alla tan maxaa
naga beeray
Koritaanka dhaqaale
Kobiciisa aduunyo
Kol haduuba siyaado
Kaamileey nimankeeno
Kaltuuntaadii horeetiyo
Keli naag ku ahoow
Kadeed bay u arkoonoo
Kuuma joojinayaane
Kaafi mays ka hubtaa?
Kun jeer baan arkay’oo
Kumi haduu u siyaado
Kibir bay is bidaanoo
Kuuma beer jilcayaanoo
Kaalintaad ka baxdaa oo
Kaadhkaagaa dhacayee
Kaafi mays ka hubtaa?
Qorsho si degan ayeey u dhuuxday murtida iyo dulucda
hadalka walaasheed ka weyn cawedo, waxay garowsatay oo ay la
noqotay in walaasheed wanaageeda rabto oo u jeedkeedu
yahay in ay ninkeeda sirihiisa ka warqabto oo ayna
ogsoonaanta markasta oo jeebkiisu buuxsamo inuu damac
guur geli karo, oo uu minyaro iyo xaas labaad ku fekeri karo,
waxay talo iyo go’aan ku qaadatay in ay ninkeeda
kala dagaalanto xaga dhaqaalaha oo aanay ogolaan in maalkiisa
aduunyo sii kordho , waxay markale qorshe iskula hadashay oo
nafteeda kula sheekaysatay in inkastoo ay qamaan is aaminsanyihiin
hadana uu ina rag yahay mid aan lagu kalsoonaan Karin oo balamaha
qaarkood iyo axdiga ay galaan uu yahay mid ku eeg afka
baarkiisa oo niyadooda aan u daadagsanayn, waxay is
tusisay in walaasheed cawedo tahay shimbir loo soo diray oo
hurdada ka kicisay xili ay is dhigatay oo ay ninkeeda
xariga u sii deysey .
Cawedo oo weli sugaysa jawaabta
lana yaaban hamiga dheer ee ay gashay qorsho ayaa
halmar ku war heshay jawaab ay ku diirsatay:
Kaamilooy hadalkaaga
Kelmadahaaga haboon
Kuli waa wax taroo
Kuguma diidin naftaydu.
Kaafi waan xakamaynoo
Kumi inuu u siyaado
Kaltuuneey waan ka ilaalinoo
Kaantaraal baa la dulsaari.
Kadeed baa jiro oo
Kuraas baa la rabaa
Katabaanka saariirtiyo
Kabaha aan bedelno
Kolkii aan ku wareersho
Kobiciisa aduunyo
Kaafi wuu isdhimi
Kelina wuu igu ahaane
Kaamilooy bal ogoow.
Kelli baan ka bukaa
Kaabad baan ka dhacoo
Kubkaasaa I maroorsan
Kolka aan ku wareersho
Kama maarmo naftaydee
Keykiisii lacageed iyo
Kaashka uu hada haysto
Kun haduusan hadhaynin
Kaafi wuu bixinuu
Kambaluu ii dirayaayoo
Kabsool huuno u raadsan.
Waxay u muuqatay in ay is fahmeen cawed iyo qorshe oo ay
hada isla jaanqaadi karaan, hadaad macnahayga garatay, garaad
fiicnidaa waan kugu ogaa iyo hadalo kale oo dhiirigelina ayaa
afka cawedo ka soo butaacayey, waxay isku afgarteen in xaalada
hadba meesha ay maraysa laysla soo socodsiiyo, qorshona ay qaado tubtii
iyo wadadii ay ninkeeda gacanta ugu dhigi lahayd si taas loogu guulaystona ay
tahay in xoogaaga lacaga ee uu qamaan uruursatay la galo qorshihii
lagu burburin lahaa ugu dambeyntana qamaan looga dhigi lahaa caydh fara
madow iyagoo caqligoda ay la tahay in qorsho ay sidaa dantu ugu
jirto dabcan waa caqli haween oo wax lagu saso maaha, ragu haduu lacag
waayo rugtiisii hore iyo ooridiisii hore kama agtago, ragu jeebkuu
ka qooqaa , dumarna waan ognohoo nin aan lacag haysan waxba kuma
falaan siiba kuwa maanta jooga iyo hadalo kale ayeey isasii
dhaafsadeen cawedo iyo qorsho, ugu dambeyna waa lays
macasalaameeyey oo booqasho maalin gelinkeed ah ka
dib cawedo waxay dib ugu laabatay deegaankiii ay ka soo baqooshay,
balse so’aashu waxay tahay maxay la noqotay maxayse reerkii
ay soo booqatay oga tagtay oo dhaxal ahaan ay ugu
reebtay?
Soo maaha kala irdheyn, soo maaha isku qarxin ,
soo maaha isku dhufasho , soo maaha kala burburin qoys dhisnaa
oo isku faraxsanaa iskuna dhoola cadeynayey , sowtan reerkii
dhisnaa dab soo gelisay , sowtan soo dumisay oo murwadii degeneyd
gurigeedii ka saartay bal maxay ka helay oo yaa
og? Waase anfariire qorsho miyeeysan ahayn qoftii
qamaan la dardaarmay ee uu uga digay dumarka qoysaska kala
dira in ay iska jirto, miyaanu ahayn tii uu hoos iyo korba wax ugu
sheegay ee suugaan iyo murti kaleba waxa ugu cabiray,
miyeeysan qorshe ahayn tii soo dhoweysay ee hadalkiisa adeecday
balana qaaday in ay difaac adag ka gelayso dumarka xumaha
faafiya ee qoysaska is jecel kala baadiyeeya, sowtan
haatan waanadii ilowday oo qamaan shirqoolka u dhigaysa, , sowtan
si fudud u qaadatay talo hoog ah oo gurigeeda
baabi’inaysa oo maxaa bedelay bal adba? .
Waa xili hore oo waagii baa soo beryey,
qamaan wuxuu isku diyaarinayaa in uu xafiiskiisii shaqado aado
laakiin saaka quraacdii waa lagala daahay, maxaa dhacay
oo saaka qorsho ku dhacay ayuu is weydiinayaa, haduu sugi
kari waayey oo uu qolka qoorta kala soo baxayna waaba
qorsho oo madaxa haysta oo daarada guriga fadhida ,qoraxda oo hada
soo big tirina isku dhigaysa, tolow miyeey xanuunsantahay oo ma
xalaa lagu soo booday ayuu judhiiba qamaan isa so’aalay dabadeena
intuu xageeda u soo dhaqaaqay oo madaxa gacanta ka saaray ayuu
weydiiyey waxa daaray ee saaka ay qoraxda u miciin biday.
Qorsho oo hadalkeeda laga dareemayo Tamar daraan sidii qof mudo
badan soo xanuunsanaa ayaa qamaan ugu jawaabtay:
“Geesigii
I qabee aan ooridiisa
ahaayoow,
gumaarka iyo seedaha, guud ahaanba jidhkayga gariir baa ku
jiroo gowsahaa I jagleeya,Guryahaa deriskeena ah, guhaadii aan is
xignay , galbahaan ma aan booqan oo gaabis baan ka galay, Gedu maahan
xumaaane gebi ahaan lafahayga xanuunbaa galay’oo
geesiyoow ku dhamaaday, ee illa goob dhakhtaroo Guuleedoow
I dawee”.
Qamaan talaa ku cadaatay, shaqada maanta ka
baaqo ayuu ugu horeyn go’aan ku gaadhay isagoo ku wargeliyey shaqaalihii
ka hooseeyey in ay maanta shaqada sii wadaan, wuxuu kaloo guntay in
maanta dhakhtarada ugu caansan deegaanka in uu xaaskiisa u geeyo, niyadase waxa
uu iska leeyahay malaha walad khayr qabaa kuu soo socda oo
calaamadihiisii baa qorsho gilgilaya ,war jiraase cakaaruu iman, sir
maqabe allaa u maqan.
Iyadu waa qorshee waa ogtahay dhakhtarkasta oo la geeyo in aanu
cudur ka heleyn oo ay caafimaad qabto, waxayse meel sii dhigatay in
dhakhaatiirta somalida ee wakhtigan ay yihiin kuwo ruux caafimaad qabo
cudur ku beera, ruux cudur qabanaa aan saxayn cudurkiisii haday doonaan cuduro
kale ku sheega, sidaa darteed ayeey xal kasii gaadhay sida ay ka
yeelayso dawooyinka la soo siindoono, in ay daadidiso
ayeey taladii ku soo uruurisay.
Ma malayn kartaa qof caafimaad qaba oo xanuun aan ahayn saadsanaya
maxaase ku kalifi Kara oo ilaa xadkaa gaadhsiin Kara? Mase kula tahay in
dumakar qaarkood mararka qaar ay sidan u fekeri karaan iyadoo danta keliya oo
ay leeyihiin ay tahay in ninkeeda ay ka dabradaan dumarka kale oo
ay ka dheereeyaan in uu la guursado? Waa so’aalo maankaaga ku soo dhici
Kara laakiin akhristoow jawaabahooda adaan kuu dhaafay.
Durbadiiba qamaan gaadhigiisii raaxada ayuu qorsho ku soo
qaaday waxana uu keenay mid ka mid ah cusbataalada ugu wanaagsan
deegaanka oo ay joogaan dhakhaatiirta ugu xeeldheer dhinaca
xanuunada la xidhiidha haweenka, waa nin magac lehe markiiba loo soo
joogsay oo kalkaalisooyinku gargaar caafimaad u fidiye qorsho oo iska
ladan , dhakhtarkii dul yimi, dhiig halaga qaado buu si deg
dega u yidhi, laga qaadyoo shaybaarka laysku sii
dhaafi, jawaabtii dhakhtarku soo qor ,fartana laga saar qamaan,
hadalkoo la soo ururiyeyna waa in qorsho tahay qof bed qabta
“ Negative”.
Hadii dhakhtarkii laga soo laabtay oo lamaanihii gurigooda
yimaadeen, waxa la gorfeeyey jawaabtii dhakhtarka, qorsho waxay u soo jeedisay
ninkeeda qamaan in uu debada caafimaad ahaan ugu qaado gaar ahaan Germany
iyadoo ku qancisay in dhakhaatiirta wadanka aanay ahayn kuwo laysku halayn
karo,qamaana intuu madaxa ruxay ayuu yidhi alleylehe waa runtaa ee
waa in aan Germany ku geeyaa iyadaa xaga caafimaadka
iskadaa Afrikee yurub oo dhan hogaamisa
Gaaridii
ii dhaxday’ee,
gedigoodba
haweenka,
gabaadka
iiga aheydee,
Guriga aan wada joognaay.
Goolashii
aan higsanaayey
Guushii
aan ku xaqiijay
Garaadkaagii
talinaayiyo
Guubaabadii
hadalkaagiyo
Gacantiyo
garabkaygiyo
Gaashaankaad
ii
noqotaan
Goolashaa aan ku gaadhoo
Guud
ahaan ku xaqiijay .
Gini kaa hagran mayo
Gambo kaa xigsan maayee
germaniga
aad tilmaantiyo
gontanbeegta
la sheego
Gaanadii afrikaanka
gedigood
waan tegaynaay,e
Gacalooy is
diyaari.
Qorsho haday intaa maqashay farxad baa ku dhamaatay,
waxa ay riyo moodaysaa u rumoomay, waxay isku aragtay geesiyad gool dhalisay oo
ninkeeda is ogoleysiisay, fiicnaan lahaydaa in caawa ay warkan ogtahay
walaashaa cawedo kolba way ku diirsan lahayde ayeey maanka iska tidhi, waxayna
qorsho go’aan satay in ay Germany isku diyaariso
oo ay caafimaad u aado laakiiin aanay keligeed bixin ee qamaana uu raaco
iyadoo ka cabsi qabta in qamaan haduu ka hadho in uu guur isku
qalqaaliyo.
Wax talo la gorfeeyoba qamaan iyo qorshe waxay sida
wada jira isula qaateen in Germany laysku raaco oo xanuunka qorsho meel lagu
soo ogaado, todobaadka dambe in ay dalka ka dhoofaana waa la guntay.
Qorsho maadaama ay safar isku diyaarinayso waxay casuntay si ay
isku sagootiyaan walaasheed cawedo oo ay isku talo yihiin, gundhigna u
ahayd shirqoolka ay qorsho qamaan u dhigtay, sheekadii
baa layska waraystay meesha ay waxmarayaan iyo sida hawsho u socoto ayeey
qorsho oga tibix siisay walaasheed cawedo, ninkii waan hantiyey ,
xanuun beena u sheegtay, dhakhaatiirta gudaha mid aanu i marin ma leh
waxna layga waa miyuu rumaysan dee anigaa wax ku qafilee, hadana Germany baan u
socdaa iyo sheekooyin kale ayaa la wadaagayaa.
Nasiib wanaagse waxaanay ka warqabin ninkii qamaan
ahaa oo si kedisa intuu guriga ku soo galay sheekadooda maqloo
albaabka ku gubanaya, weedhaha lays dhaafsanayo ee cawedo iyo
qorsho is weedaarsanayaan ayaa sida leebka dhegihiisa ugu dhacaya , ma qofaad
kabihiisa tolaysaa adiga kafantaada tolayey, ma qofaad
noloshiisa ha wanaagsanaato lahayda baa adiga god kuu
qodayey oo ku aasayey, ma qofkaad garabka moodeysaa adiga abeeso
kugu noqday , ilayn ciil looma dhinto oo cadho looma god galo,
aduunyadan intaad joogto wax walba waad arkay iyo hadalo kale ayeey
maskaxdiisu la guuxay.
Isagoo aan is ogoyn, oo aad moodu in uu hurdo ka hambabaray ayuu
qolkii hore u galay, alla waa qamaan ayeey halmar qorsho iyo cawedo kuwada
hadaaqeen, ma waxan la qasoobin baa, ma waxan ceeb darteed dhulka laga dusin
baa, ma waxan dhidid la qoyin baa, naxdin gariir weynaa.
Ma waxaanay qorsho iyo cawedo isku yaxyaxin baa, ma waxaanay ceeb
darteed hadal soo celin waayin baa, tuug la qabtay talo ma leh, ma waxan
shirqoolkiii fashilmin baa, ma waxan , ma waxan nin iyo dumaashidii isku
ceeboobin baa.
Afkeebaa juuqda gabay, qamaan labada dhaban ayuu haystaa
isaga oo qaadan la’a warka dhegihiisa soo
gaadhaya, ma dhabaa ma dhalanteedbaa ma riyaa mise waa run, hadalkan ma waxaad
ka maqlasaa afkii qorshe mise shaydaan iyo jin baa isku kaa yeel yeelaya, ma
adaa waalan mise cadan baa laga heesayaa.
Wuxuu ku dulmeero cawedo iyo qorshoba, waxa hadba maskaxdiisu
feker cusub u soo bandhigtoba , wuxuu ugu dambeyn go’aansaday hada
laga bilaabo in qorsho gacantiisa ka maqantahay, sedexdeeda ugu yeedhi oo
maherkana miiska u saara ayuu doorbiday, waa ku dhaqaaqay oo qorsho
oo madaxeedu hoos eegayo dhawaaq dheer ugu sheegay in uu furay
, lacagtaadii meherkana berito ka qaado dukaankaa inaga soo
horjeeda dibna yaanan guriga kuugu arkin.
Cosobsaan is lahaaye ma caaniibaan iska daadshay; wax badsaan
islahaaye ma cid laan is dhigay, xiligay qabashada lahayd lama joogo , lagu
fur fadhina kuuma yaale meherkaaga iska qaado oo gurigii
hooyo iyo Aabe dib ugu laabo ayeey qorsho iskula
sheekaysatay.
Cawedo ayaa halkan is yeel yeelaysa oo aad moodaa qof murugsan oo
ka xun wixii ku dhacay walaasheed ka yar qorsho, intay ku soo dhowaatay qorsho
ayeey hadalo calaal cal u badan ku muusanowday, arintu waa inoo toosnayd ee
khaladka aan galnay wuxuu ahaa in aynaa albaabka deyrka guriga ku meersan laga
soo galo aynaan soo xidhin, waxana waa kuu qornaayeen ee iska samir, weli
wakhti ayaad haysataa ma adigaa curtayba maxaad la welwelay.
Qorsho oo awel maskaxdeedu ku maqnayd
furiinkii deg dega ahaa ee qamaan kula dhaqaaqay ayaa halmar dhinaca
cawedo soo eegtay ayeey hadalo kulul ooda kaga qaaday ma adigii
halkaa I dhigay baa weli isoo ag fadhiya, ma adigii I bi’iyey baa hada barwaaqo
ii tilmaamaya, ma adigii gurigayga iga saaray baa hada hadh ii
jiidaya , ma adigii I jebiyey baa hada guul ii tilmaamaya, bal horta
adigu iga hor dhaqaaq walaashaada mooyaane dib yeeynaan isku
sheegan.
Cawedo hadii erayadaasi dhegaheeda ku soo dheceen qunyar intay
fadhiga ka kacday ayeey gurigii isaga baxday, subaxdii dambena qorsho oo
boorsadeeda ku raran ayaa xili barqa ah magaaladii isaga baxday, iyadoo oo u
shiraacatay dhinacaa iyo deegaankii ay ku ogeyd reerkoodii, waxayse dardaaran
iyo digniin u jeedisay haweenka ka dambeeya si aanay ugu dhicin
jabka iyada haleelay
Hadii aanan
dhegaysan
hudhudadii hadalkeeda
hadii aan dhegaysan
hawraarteediyo beenta
miyaan hoogi lahaayoo
hoygaygii dumi
lahaayoo
haybe waayi
lahaayoo
heedadow noqon laayoo
hawdka meeri
lahaa.
Haweenka iga dambeeyoow
haku hungoobina been
huf iyo meel aan wax
oolin’e
hoyga aad
dhisataan
halyeeyga aad calmataan
hadimadiina
ka dhowra
hagardaamo u diida
nabsigu waa ma habsaamee
hawl yaraan la shaqeeyoo
hoheey daacad ahaada
.
Haweeyaa I
rogtoo
heesay ii tuntay
oo
hagaagii iga weecisoo
haadaan bay iga
tuurtay’e
haweenka iga
dambeeyoow
Hugunkaygiyoweedhaha
hooyaaleydaan tirinaayo
hadal weeye digniinee
hoheey daacad ahaada.
Gurigaygaan
harsanaayoo
hanti la’aan ima
hayn
hiif iyo
darxumo
hagardaamo maan qabin
hayeeshee nasiibkiyo
kelmadihii
haweeyaa
hawadaa I
mariyoo
huruubkaygii
daadshay’e
Haybe muusan
xumayn
Ragna waa u horeeyey.
Qoristii iyo curintii : Siciid Cabdi Xassan
E-Mail: Casuuro1@hotmail.com

No comments:
Post a Comment