Waxa Maansadan Maankiisa Ka curiyey Hal Abuurka Da'da yar ee Ku Magac Dheer
Siciid Gabare ,Maansadu Waxay Ku Magac Dheer Tahay Gabadano.
GABADANO
hadii guushu waydowdo
galladaha wakhtigu raajo
gaawe madhan cantuug maaha
gurgurshaa ha rarin maaha
gorof caydha sido maaha
gibil xeeran dumi maaha
gabbal seenyo mood maaha
garashada ku tumo maaha
Gaaleefta maarowday
haday hilib yar kaa goyso
ama garabka, kaa daarto
intaan cudurku gudahaaga
gunta hoose wada taaban
haku faro garaadkaagu
gaashaanka lagu beego
gabadanada jiilaalka
gaydha iyo dhaxantiisa
godol beelka soofkeena
kudka dilaya geeleena
cirka guule shubi waayay
geedaha abaaroobay
dirirada gugee baaqday
fadka oonka goyn waayay
daruuraha saree guura
aan barri ka gobo,olaynin
hadii maanku gaylaamo
galad eebe kuu maqane
gidigoodba way suuli
marka gorayo caatawdo
gaadiidku socon waayo
gaajaduna soo aarto
shinbir buulka geli waayo
guuguule ciyi waayo
guumeysi jabaq deyso
mar gamaanku kici waayo
wegenkuba gondaha aaso
dhirtu ay gabaad beesho
-Gabashada falaadhaha
cirka laga ganaayaa
hadii ay gayiga, duhur
haraad kugu gilgilayaan
dhibta waad ka gudubtaa
hadaad gaadho beegsiga
galka ceelku ugu yaal
gawaanada is daba yaal
cadawgiyo gumaysiga
gaalka ina quudhsaday
shisheeyaha gantaalaha
gumuciyo baroonada
garnaylka iyo kaaraha
mindiyaha wax gawraca
gacanteena saaree
ku gumaad walaalkaa
amar kuugu goodiyay
hadaad gelin caqliga iyo
garashada midaysaan
Madax gun iyo baar wacan
amarkooda gaarka ah
haday guudka mariyaan
DANBAA GEYN GUMAYSTAHA
GURIGIISI CAWLAA
Mankaagiyo Goorta
-Hal Abuur Siciid Gabare
Sanaag -Ceerigaabo
Facebook:Siciid Gabare

No comments:
Post a Comment