Sida Ka muuqata Magaca Heesta waa hees
Ka sheekaynay jacayl isla markaana aad
ka dheehan karto heesta dhexdeeda in uu
qof tegey oo aad loo tebeyo .
Qof ku jecel Aadmiga
kula qaybsada nolosha
qadar yar istiqiineen
qiiriyo xasuusiyo
ma kaaga tegey qushuuc
qasnadaha wadnahaagana
quful inta uu sudhay
furihiina ma qaatay Waa
qunyar socod talaabadii
ma ku qulqulay dhabada cad
qoraansi eegmada
ma ka qanci weydey waa
qof kastaba su'aashaa
bulshadii ma dhex qaaday
qabsin ma nabarbaa
ku qaloocda aadmiga
qatalaaya naflahaa
cunadiyo quraacdii
kaa hor qotoma miyaa
qudh qudhinaaya biyaha
u qaadaya dhiigaa
jacaylna waa qaarkii
qaybaha xanuunkii
dhakhtaradda qaliinkaa
idiin qaaxi jawaabtaa
qatar weeye ogow
qaadir waa ilaahay
isagaa qoray Arsaaqda
ku duugey qalimadda
qarni aan dhaweeyn
adigoon qamuumiyo
ciil aan ka qaadin
qunbacashiyo adoon
xanuun ka qaadin
qadarka dhawr saaxiib
qofkaaga waad heli
qaadir haduu qoray e
Waa Curintii Abwaan Yuusuf Maxamed Shire
Ceerigaabo -Somaliland
00252634254434

No comments:
Post a Comment