waa hees dareen xambaarsan waxana
uu Abwaanku curiyey Markay
carqalado farabadani kaga horyimaden
xagga Haweenka,markaas oo uu abwaanku
arkay qof uu in mudo ah baafinayey hase ahaate aanay u suurto gelin .
Dakharada Nabarada
damaqanaayaan Aaya
dawadoodii dayaa
kol inaan kasoo daro
bal waan ka daraayoo
inta ay dilaacaan
dhiiguna dareeraa
doqoni waa haweene
inata ay ku daalacday
Aragatida ka didaa
dibna looma maqal dhabo
day day intaad tidhaa
dabadee ma weydaa
dunida dacayceeduna
duudkayga weeyaan
daakiraada horaana
dadkoo teel teel
damcin inay kacaan
day day intaad tidhaa
dabadee ma weydaa
dam mayidhi gabalkaa
ma dumey habeenkii
daraf yada dunidana
daahii maku rogey
dugaagiyo halqaha
doon doon ugaadhsi
dadka ugu jira kayn
doolaha aarkii
dananayaa keligii
day day intaad tidhaa
dabadee ma weydaa
dawcad ma u qaadaa
dadkana horgeeyaa
doon doon baafiskaa
daclkooda ha raadshaan
yadoo cod ah dhawaan baa Aayatin.blogspot.com
Lasoo gelin doonaa lasocd wangsan
Abwaan Yuusuf Maxamed Shire
Ceerigaabo -Somaliland
00252634254434

No comments:
Post a Comment