Gabay kooban oo la magac baxay “”tafaraaruq”””waa gabay qeexaya dhibka qabiilka,colaada,tafaraaruqa iyo dadaal la’aanta waqtigan ee bulshada geeska waxa Curiyay Abdirashiid Abokor Ali Danab
Waa gabay uga digaya bulshada mahadhada qabyaalada ee murugta leh iyo iskhilaafka bulshooyinka dhexdeda ah sida ilaahay inoo sheegay subxaanahu watacaalaalaa:
taariikhdan dheeriyo tabaalada aduunyadatan
tahli waaga umadeena iyo tamar laantooda
tusaaalaha waqtigan taagan iyo tacab la aanteena
tala seega madhixiisu waa toobiyaha seege
tays lagama helo tafaraaruq iyo tayda ogolow e
talaatiin gu baan kala tagnoo turuq ba meel yaale
tubta eedu naga raacday waa tookha reer hebel e
taydaa dadka u wacan baanku ambanaynaa e
taliyayaal baan wada nihiyo taytal madax done
umad wada tasawdaan nehee talo dib ugu laabta
tommonaanta wada doona oo tabanka wada diida
tilmaamsada asaagiina tagay oo tooga wada qumiya
tiiladiyo taariikhdeena wacan sii tanaad bixiya
colaad tigan taban taabo reer tawbad xumadeed
tawakaltu calalaahi baan talada waydiine
tawfiiqda adigaan baryada tuugmo kuu nahaye
taban taabadadaan gacmaha sare u taagaa e
rabiyow talada noo tusmee tamariyaad yahay e.
W/C:Abdirashiid Abokor Ali Danab
Email:Danabmadile@gmail.com

No comments:
Post a Comment