Dhibaatooyinka
hortaagan dhalinyarada somaliyed
(somali
youth problems)
Wixii ka dambeyey sanadkii 1991, wakhtigaaso
dawladii dhexe ee Somaliya ay khadka ka baxday waxa dhalinyarada somaliyeed Soo
food saaray dhibaatoyin fara badan.,taaso ay kow ka tahay Waxbarasho
la,aan, iyadoo saamayn wayn ku yelatay wadanka oo dhan waxa
la sheega in saddexdii caruuraba hal mid ka helo wax barasho waddanka .Dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30 jir
waxa lagu qiyaasa 70% kuwaaso aan haddana helin wax barasho taam,ah .
Haddaynu
iyana soo qaadano shaqo la’aanta ayaa caqabad wayn ku noqotay dhallinta ku
nool geyiga Somaliyeed, taaso hab qaabiileed Lagu
saleeyey , oo dadkii aqoon yahanka ahaa ee shahadoyinka heer Jaamacadeed sitey
laga hor marinayo qof aan magacisa qorayn, waana tan dhalisay in dhul shisheye
loo hanqal taago, oo dhalintii Nafahooda ku bimaynayaan saxaraha iyo badaha
waaweyn Saynu wada ogsoonahay
dhallinyarada meel kasta iyo wadan
walba waa mustaqbalka ummadda berito, ummad walibana waxa wanageeda iyo
horumarkedu Ku xidhanyahay kolba inta ay le,egtahay kartida iyo aqoonta
dhalinyardu. Nasiib darro se waxa haysta dhalinyarada soomaliyed ee ku nool
gayiga Somaliyeed (Somaliland, Puntland,Koonfur Somalia)
Dhibaatoyin Baahsan oo
is barkaday oo aad moodo markaad u fiirsato inay sii daba dheeradeen,kuwaaso oo
ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:
¨
Shaqo la’aan (
Lack of employment opportunities)
¨
Tababar La’aan (
Limited access to training)
¨
Talo La’aan (
Lack of career and Education Counselling)
¨
Dhaqaale la’aan (poverty, lack of
resources).
¨
Iskaa –Wax u
qabsasho La’aan ( lack of Volunteerism
and Work experience)
¨
Waxbarsho La’aan
iyo xirfad la’aan ( shortage of
vocational training schools and teachers)
¨
Dawlad la’aan
(lack of government)
¨
Burburka qoyska
(family violence)
¨
Dhibaatooyinka
tahriibka (migration)
¨
Jaah wareerka
siyasada Soomalida (political crisis)
Caqabadahaa aan kor kusoo sheegnay iyo qaar kaloo
badani waxay ku kalifeen dhalinyaradii somaliyed gaar ahaan kuwii loo hanwaynaa ee wax barashada
herarkeda kala duwan dhamaysaty inay han jabaan oo ku fekeraan say dhulkooda uga hajiri lahayeen iyagoo
nolol iyo dhaqale doona. Taasina uga hajiri lahayeen iyagoo nolol iyo dhaqale
doona. Kolkaa su,asha is waydiinta mudan dad badana maskaxhoodu Ku taamayso ama ku haminayaan
waxay noqon?
Habkee
looga bixi kara dhibatoyinkan ragaadiyey halyeeyadeeni iyo dhalin yaradeenii
haldoorkenii
iyo hanadadeenii han-jabka ku riday dalkeeni
dadkeeni ,dib u dhaca ku riday.
1-Waa in la sameyaa barnamijyo wacyi gelin kuwaaso
ay iska kashanayan
bulshada
qaybaheeda iyo maamulda
2 - Waa in la dhiiri geliyaa ama la sameeya shaqo
abuur kuwaaso ay iska
kashanayaan
ganacsatada hay’adaha maxaliga ah iyo maammulada
3 - Waa in la suuriya lana baabi’iyaa qaaaxada qabyalada iyadoo loo
marayo hab -aqooned
4 - Waa ii la abuuraa
barnaajimyada is dhex galka dhalinyarada sida ciyaaraha kubada (team
Football) ciyaraha hidaha iyo dhaqanka
5 - Waa in la helaa ENGO ama organization –no kuwaaso ka shaqaynaya arimaha dhalinyarada
lana kashanaya maamulada iyo shacabka
6 - Waa in manhajyada
iskuulada lagu daraa xiisad wadaniyad ah si dhalinyarudu
dhulkooda u aminaan
7 – Waa in qurba joogta
Soomaliyeed lala kaashada barnaamijyo ay dhalin yarada dalka
debediisa ku maqan iyo kuwa gudaha isku
dhex galaan
8 – Waa in la helaa
tababaro caalamiya oo dhalin yaradu ka qayb qadataa ama ay
macalimiin ka yihiin sida ciyaraha
hidaha iyo dhaqan saan hore uso shegnay ama
(team football)
9 – Waa in la helaa ama
la sameeya iskuladii farsamada gacanta si dhalinyarada
ka saqiday wax barashada formal-ka ah
ay u helaan waxay ku shaqa tegi karaan ama
baahiyaha noloshooda ku daboolaan
10 – Waa in
dhalinyaradu ay qayb ka noqdaan siyaasada dalka maadama ay ayhiin
laf dhabartii ummada .
Wixii aan saxay ilahay ayaa mahadeeda leh
waxii aan khaldayna shaydaan baa leh
Waa Bilaahi Tawfiiq
Qalinkii Axamed Siciid Maxamuud(Bidaar)
No comments:
Post a Comment