بسم الله الرحمن الرحيم
Mxd Ka Taqaan Xujooyinka Quraanka?
Dabcan Waad Ka Dheregsanthy oo Waxaad thy Qof diinta u Dhuun Daloola Bal Labdan kalmadood Nala Eeg ,Fikirkaaguna Waa Muhiim,Noogu Reeb Xaga Hoose Ee Faalada(Commments).
Sugaanta Iyo Gabayadu Waxay Ahaayeen Aalado Ina Aadan Wax Ku Garto ,Ku Cabiro,Ku Hal-Abuuro Dhaqanadii Horoo Dhan.
Waxa Kaloo Sugaanta Iyo Gabayadu Ahaayeen Kaalin Lagu Faano ,Sida Hada Loogu Faano Cilmiga Sayniska iyo Tignoolajiyadda.
Muslimka iyo Gaaladuba way isku Waafaqsanyihiin in Quraanka Allah Sw uu Ka Sareeyo Hadal Suugaan Murtiyeed Kasta oo ay Sameeyaan Bini-Aadamku isla Markaana uu Dheeli tiranyahay .
Hadaba ,Quraanka Xujooyinkiisa Waxaa Sifiican Inoogu Sheegaya Aayadahan Soo Socda:
Allah Sw Wuxuu Yidhi:
Oo Macnaheedu Yahay:
<<<<Hadaad Ka shakisantihiin Waxaanu Kusoo Dejiney Adoonkayaga <Muxamed CSW>Bal LakaalayaSuurad Lamid ah (oo Quraanka ah) Una Yeedha Cidkasto idiin Kaalmaynaysa/Saacideysa hadaad Run Sheegeysaan ,Hadii aydaan Arinkaa Samayn,Mana Samayn Doontaane,Ka Cabsada Naar Taasoo Shidaalkeedu Yahay Dad<BINI -AADAM>iyo Dhagaxaan Loo diyaarshey Gaalada>>>>>
Hadaba Waa Maxay Xujada Ku Jirtaa Aayadan:
Xujada Ku Jirtaa Waa Inay Kufaartu Keento Suurad Keliya oo Lamida am U dhiganta Hadalka Eebe<SW>
Xujadan oo Kale Marar Badan Bay Kusoo Noqotay Quraanka Cadiimaka Ah oo Lagu Xujeeye Gaalada Inay Keenaaan Suurad Taasoo Qaafiyad,Aftahanimo iyo Macanoba Leh,Weli Way Taaganthy Xujada oo May Keenin Mana Keeni Doonaan.
Hadaba Waxa Yaab Leh Inaynu Ku jirno Qarni Mudnaanta iyo Tixgelinta Lasiiyo ,Fikirka ,Sababaynta iyo Caqliga
in Aadan Keeno ,Si Kastaba Ha Ahaatee Aqoonyahanka,Haldoorka ,Qoraayada,iyo Waxgardka reer Yurub Isutagaynu Leenahay Soo qaata Kombuyuutardiina,Aaladihiina,iyo Dhamaan Agabkiina aad Taageero Ku tuhmaysaan Bal Suurad Quraanka U dhignata Keena?
Abadan.Kaaf iyo Kala dheeri.
Abadan.Kaaf iyo Kala dheeri.
Marka Loo Eego Saynisyahankii ,Physcicankii Ku Guuleystey Shahaadada Loogu Magac Daro <NOBEL PEACE PRIZE>Albert einstein Ayaa Yidhi(Science With out Religion is Lame and religion with out science is Blind)
oo Macnaheedu Noqonayo:
(Cilmi Bilaa Diin ahi Waa Laangadhanimo<Curyaanimo>,Diin Bilaa cilmi ahina waa indho La'aan)
Albert einstein
Albert einstein
Hadaba,Waad Aragtaa OO qaalada Kuwooda Aqoonta Lagu tuhmayaa Wu kuwaa Leh Cilmi Bilaa Diini ahi Waa Curyaanimo,
Quraanku Maaha Kitaab Cilmi Oo Keliya Laakiinse Waa Kitaab Calaamado Farabadani Ku Duuganyihiin<Ayaatis>
Quraanka Waxa Ku jira In Kabadan 6,000 oo Calaamadood oo 1000 kamid ihi La xidhiidhaan Culuumta Sayniska.
Xaqiiqda in Laysa indho Saabo Maaha,Hadaba waa Maxay Gunta iyo Gunaanadka Ayaatka quraanku?
Waxa Hubaal Ah oo Aynu Oganahay In Culuumta Sayniskoo Dhami Ka Shidaal Qaadanayaan Kutubka Barakaysan ee Ilaahiga ah<Divine Origin>.
Qore:Abdullahi Mohed JIbriil
(Caraale)
Refences:
Dr-Zakir Naik Lecturer on Peace Tv
Yassir Qadi LEcturer on Peace Tv
Engineer Abduldaem Al-Kaheel a researcher in the Scientific Miracles of the Quran and Sunnah.
Refences:
Dr-Zakir Naik Lecturer on Peace Tv
Yassir Qadi LEcturer on Peace Tv
Engineer Abduldaem Al-Kaheel a researcher in the Scientific Miracles of the Quran and Sunnah.
No comments:
Post a Comment