GEESTIIR WUU I GEYAA
Waa sareedo, horseedka hablaha deegaankan ku dhaqan, qurux ayaa ku agdatay , caqli iyo garaad suuban iyo karti baa intaa u dheer, waa indheer garad ildheer, waa gaari lagu soo hirto oo xishoodna uu rabbi weyne ku galaday.
Dhallinyarada wiilasha ah ee deegaanka ku nool mid kasti wuxuu ku hamiyaa in uu sareedo hanto , oo ilaahay calafkiisa ka dhigo, hadday sareedo oori kuu noqoto ma wax kalaaba kaa dhiman; nasiib badanaa, oo cawo badanaa ninka ay hoy wadagalaan sareedo, ninka ay ubad u xambaarto ee ay u daadahayso , inanka ay doonistiisa guddoonto ee ay geyaankeeda kala soo dhex baxdo, ma rag buu la siman yahay, mayee waa ka horreeyaa weligiisna lama gaadhayo ayaa dhallinta guur doonka ahi is kula faqaan, iyagoo ka duulaya maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd, “Nin kaa naag wanaagsan, weligaa ma gaadhid”.
Lama ogaanin in wiilal badan oo u haasaawe tegay sareedo in ay isa seegeen oo markay tijaabisay ay noqdeen kuwo ula muuqday in aanay u qalmin iyagoo baal maray hal xiraalayaal ay biyaha hoostooda u marisay. kuwa kale, oo u geed fadhiistay oo aabbaheed tukaale weydiistay ayaa iyana ku hungoobay oo ceeb , waji gabax iyo lama arag kala kulmay, iyagoo yax yaxsanna goobtaa ka soo huleelay.
Qaar kale oo iyana damac ku soo jiray, kuna taamayey in ay mar fagaaraha is keenaan, waxa cashar u noqday jabka ku dhacay saaxiibbadoodii golaha iska muujiyey, welina, kuma dhiirran in ay markooda is tijaabiyaan, oggolaansho iyo diidmo mid kay doonaan sareedo iyo qoyskeeda ha kala kulmeen e’, ilayn wax uguba maaha oo waa la arki jiray gabadh nin diidda.
Ganboolayda asaageeda ahi, waxay ugu yeedhaan “ bilaa calaf” “nasiib daran” iyagoo ay la tahay in sareedo ay nasiibkeedii iyadu is gefisay oo fursado qiimo badnaa oo soo marayna ay lumisay, waxa soo doontay geyre oo hanti adduunyo ka buuxa oo ay maalin cad diidday, waxaa u soo gogol fadhiistay xinayste oo ah maal qabeenka deegaanka oo ay gaashaanka u daruurtay. Waxa ugu dambeeyey Ciise lacag oo dal iyo debadba laga yaqaan isna waatay mayada ugu jiiday, ma taasaan bilaa calaf ahayn ayeey xanta ku wadaagaan.
Aabbaheed Tukaale laftiguusu waa yaabban yahay, habeen iyo maalina gabadhiisa Sareedo wuxuu ku waaniyaa in ay aqbasho guurka Ragga magaca leh ee soo doonanaya, Aabbe dookhaaga adigaa u madax banaan, xaqna adigaa u leh in aad dooratid qof ka aad nolosha la wadaaggayso ee aad lammaanaha noqonaysaan. Balse, yaanu dookhu kula lumin oo aanu kugu hogaamin jiho iyo meel khaldan, waxaan kugula talinayaa in aad wakhtiga ka faa’iidaysto.
- Gabadhay waan hugmayaa
- Geeraaraan tirinoo
- Gabayaan shubayaayoo
- Waan ku guubaabinayaaye
- Murtidayda gudoonooo
- Garashadaada bal dhuux
- Guurku waa ma huraan
- Gayaan in aad calmatoo
- Guri weyn aad hantidoo
- Gelbiskaaga aan joogo
- Curadkaaga gardaadsho
- Oo aan awoowe ku guuxaan
- Had iyo goor ku qarwaa
- Guud ahaana ragii
- Gaashaankaad u daruurtoo
- Gidi waad iska diiday
- Garan waayey asbaabtiyo
- Geda aad ulla jeedee
- Warka aynu gorfoynoo
- Aan soo xaadhno guntee
- So’aalo diiran gudoon
- Ged gedi oo rogrogoo
- Jawaab gaamurtay keen
- Ma geesi kuu qalma baad
- Goboladeena ka weydoo
- ragii baa wada gaabshoo
- Garaadlaawi aan xil kasayn iyo
- Gooraf baa dalka buuxshay
- Mise in aad gashaanti tahoo
- Da’adii guurka aad joogtaa
- maskaxdaa gocon weydey
- Mise goblankaad qurux moodoo
- Guurka waad ku giriiftoo
- go’aankaa saad meel dhigatoo
- In aad ku guurto rabtaa?
-Sareedo waxay aabbaheed Tukaale ugu warcelisay, aabbe guurku waa calaf ka sokowna waa is afgarad iyo lammaanaha nolosha wadaagayaa in ay yihiin kuwo gaashaan isku ah, garab isku ah, qof walbina uu ku taamo sidii uu kan kale riyadiisa mustaqbalka u gaadhsiin lahaa oo hadafkiisa ula xaqiijin lahaa. Anna weli geesigaa ma hayo kamase daalayo ku raad joogiisa iyo baadi goobkiisa, si kastuu maal u leeyahay haduu garashada sabool ka yahay waan is weedaaranay ninkaas, soo xusuuso aabbe sheeko dhaqameedkii Soomaalida, labadii gabdhood ee guurdoonka ahaa ee ay midi tan kale weydiisay
“Nin ragiyo nin xoola leh, iyamaa la raacaa?”
Tii kalena ay ku jawaabtay “isaguba rog rogi doonee ee nin ragaa raacaa”, ragga maanta joogaana qaar nolosha ka dhacsan bay u badan yihiin, xagga garaadka iyo wax garashadana waa ka gaajaysan yihiin.
- Ragi waa ragii hore
- Maahmaah ragaadoo
- Run ah weeye aaboow
- Raga maanta joogaa
- Riyahay la daaqaan
- Caleentay rafiiqeen
- Reero ay dhaqdaan iyo
- Caruur ay rabeeyaan
- Rafaad bay ku qabaanoo
- Xilkaa raarta ka tuure
- Anna waan iska reeboo
- Raadkoodii ka hadhoo
- Guurkoodi ka rucleeyee
- Aabe mayla rabtaayoo
- Iyaga ma iska raacaa
- Mise waynu ruugnaa
- Rogrognaa afkaartoo
- Rabi talo u deynaa?
Xaaji tukaale waa u garaabay gabadhiisa waana u riyaaqay, wuxuuna gunaanadkii ku yidhi “bal aan dhawrno oo aan ayaamo sugno nin ka aad rag kala soo dhex baxdo oo maankaaga deeqa iyo waxa uu raga maanta lagugu kari la’ayahay uu kaga duwan yahay”.
Sareedo waxay sir jacayl wadaagaan oo ay dhalinta geyaankeeda ah isugu dhow yihiin Geestiir, maal qabeen maaha oo lacag ma leh, aqoon yahan wax qora waxna akhriya maaha oo meel dugsi ku yaallo weligiiba ma ag istaagin, ma xarrago badna, sidoo kalena, maaha dhamad weyne is nacay, reerka uu ka dhashay waa reer Jiic oo aanay weligoodba is hunguraynin isna guursan reerka ay sareedo ka dhalatay oo ah reer dabdhac. Waase afmaal ama aftahan aan doqoni ka gar helin, waa nin caqli badan oo xeelad badan, haween tuu galab u sheekeeyaana iyadoo iska raacday baad ku war heli, waa deeqsi marti soorka ku fiican, waana geesi aan goobta dagaal weecan ee warankiisa si dhiirran u gana.
Isaga iyo sareedo haasaawaha iyo sheekadu waa isugu baxdaa, waa ay is kaftan yaqaanniin, mid ba kan kale araggiisa ayuu ku il doogsadaa, kuna diirsadaa oo naruuro u ah; inta ay kala maqan yihiin oo aanay kulmin, waa isku basaasaan oo midba kan kale waa u xiisaa, waa ay isku soo baholyoobaan, isku soo hiloobaan, oo bartooda kulanka caweyska ayey amin dheer sheekada isku dhaafsadaan, dhanbaalo jacayl iyo geeraaro ay isugu talagaleen ayaa la is weedaarsadaa oo la isku beer dulucsadaa.
Fiidka caawa ahna, goobta caweyska ayey ku balansannaayeen, haddii lays qaabilay, nabad iyo khayr qab lays dhaafsaday, waa nin jacayl ragaadiyey oo daashaday e’ , geestiir wuxuu sareedo la wadaagay sida jacaylku u saaqay, sida la’aanteed aannu u ledi Karin, iyo sida ay u tahay bar wadnaha kaga taal oo aannu uga maarmi Karin.
- Sareedooy genyaankaba
- Adaan kaa suntaday oo
- Saamigaygii baa tahay
- Habeen kaama seexdoo
- Hadii aanan ku sii arag
- Saq siin maayo jiifkoo
- Sariirtaan colownaa
- Subaxdaan ku waayiyo
- Saacadaan ku daahsado
- Saluug baa igaloo
- Naftu in ay socdaashiyo
- Geeri baan ku sigtaa
- Sababtuna waxay tahay
- Waan kugu sid kan ahoo
- Wadnahaygaad sudhantoo
- Sanbabadaad siraadaa
- Indhahaad u tahay sarac
- Suuradaada wacan bay
- Dhaayuhu sakhraamaan
- Gebi laygu saaqmaa
- Aan soo gunaanado
- Soo sargooyo maansada
- Sowd kaygu wuxuu yahay
- Intaa aan saldhigayno
- Aroos aan salaxayno
- Samir baa inoo xeera
- Sarbeebi waa hadalkeena
- Kalsooni waa sifaheena
- Sirtuna waa balankeena
- Axdigeena sabaaliyoo
- Adkeeyoo ku sugnoow
- Soodintiisa ilaali
- Sareedooy maanka ku hay
- Waa dardaaran mug weyn oo jacaylka u hiila, waa kelmado markaan kaa maqlay jidhku I dubaaxiyey oo aan la qiirooday, geestiiroow waxaan calaf iyo wed ahayn inama kala weeciyaan ee taa niyada ku hayso, Talo, waa tan rabbi balse, dedaal baa innaga dusheena saarran, maalmahaan is moogganayn ee habeenka caawa ah ka horreeyey, bal aan kuu dulmaro sida jacaylkeenna duulaanka loogu soo qaaday iyo sida aan axdiga u adkeeyey ee aan gaashaanka ugu daruuray in aanan oori u noqon halyeey aan adiga ahayn.
- Guud ahaan geyigeena
- Geesigaan ka xushoow
- Habeenkii kugu goohay
- Dharaartiina ku goobay
- Gebi goonyaha eegay
- Daraadaa gab gableeyey
- Umadoo dhan guhaaday
- Rag badanoo gadhlahaa
- Guunyiyo xoolo lahaa
- Geelna daarada keenay
- Aabahay geed u fadhiistay
- Gidigood ku giriifay
- Guurkoodii ii qalmi waa
- Iyagoo gurxamaaya
- Gaylamayoo cartamaaya
- Cadho qoortu go’ayso
- Ka caraabe guryii
- Ganboolaydii is warayste
- Sheekadaydii gorfeeye
- Amakaaga is gariirshe
- Nasiibkeeday ganbidoo
- God dheer ay ku riday
- Calafkeeda gam yidhi
- Goblan bay ku dambeyn
- Weedhahaa ku gabye
- Guud cadii aabahay
- Xujo gaamurtay keen
- Googaalayska bilownay
- Goolkii anaa dhaliyoo
- Ku guulaystay gartii
- Gunaanadkii murtidaydu
- Waa geyraha aan ka xeroono
- Is gaclood guur ka sokeeyana
- Shaydaan baa ku gedaamane
- Guri aynu yagleelno.
- Sareedo intaa kuma gaabsan e’ , waxay geestiir u dawisay kuna boorisay in uu aabbaheed tukaale ka soo doonto, oo u soo geed galo, gabbaatigii iyo wixii gabadh laga bixin jirayna la soo shir tago, iyadoo dareensiisay geestiir in wakhtigu aannu sugayn, maalintii ku dhaaftaana aysan dib kuugu soo noqonayn. Intaa, waxay u raacisay in ay axdigii sii adkayn doonto, jacaylkooda curdinka ahna aanay kala dhambali doonin.
- Geestiiroow dhicayga
- Haka dhowrin curyaamin
- In aan dhantaalo jacaylka
- Xubigeenu dhab weeye
- Dhalanteed wuu ka gudbay
- Dhuumashana uma baahnee
- Aabahayga dhunkaal iyo
- Dhumucweynoow ehelkayga
- Dhawaan soo hor fariisoo
- Dahabadaydin dhasheen baan
- Usoo dhaxaayey beryoo
- Aqal in aan dhidibnoo
- Dhisno aan ku heshiinee
- Meherka iigu dhagsiiya
- Dhaqankiina waan raaci
- Oo duunyo waa iga dhiibis
- Afkaaga ka dhehoo
- Dhiiranaan iska baadh
- Ama agtayda soo dheraroow
- Iska soo dhukuroow
- Wakhtigu hayna dhantaaloo
- Aan is weyno dhigaygoow
- Geestiir sidii qof hurdo ka soo hanbabaray oo laga sasiyey ayuu kor u bood booday, isma waayeyno ilaahay idankiis ee ha ina habaarin ayuu dhawr jeer ku soo celceliyey, waana kuu soo gogol fadhiisan ee samir illa ogoow, jacayl baa igu gaamuray oo adigaan ku jantay ee aan sugno ayaan teenna, oo sal fudaydka innaga jir, ayuu sareedo ugu cataabay.
- Ilayn caashaq sun weeye
- Saan cad weeye iblaysa
- Cilmi in uu nafta seejay
- Sahal baan u arkaayee
- Ma inagii buu saxariir iyo
- Soor in aan cuniwaayiyo
- Safrad uu I badoo
- Surmo uu I gashtoo
- Siibmay oo isla yaaban
- Lafahaygii sarsariigme
- Jidhkaygii sida seefta
- Awgaa dhuubay sareedo
- Waa sumadiisa jacayloo
- Hadii ay ku sagsaagto
- Canabtaad ku salowday
- Ee sedkaaga ahayd
- Qabri buu kula seexan
- Oo geeri buu sababaa
- Cudur weeye siloonoo
- Saabka iyo feedhaha
- Mar haduu salsalaabo
- Dhakhaatiirta saraysiyo
- Saynis yahay ma daweeyo
- Seyrma weydo hilaacdiyo
- Daruurtuu saq dhexaadkii
- Seeriheena ku hoortay
- Subaxdiina cadceedo
- Ku salaantay falaadhaa
- Sagalkiina iftiimay
- Sida loogu hiloobaan
- Sareedooy kuu jantaye
- Sedkii eebe I siiyaay
- Axdigeena ha saydhin
- Sal fudaykana daa.
Sheekadii ayaa la gaadhay gelin dhexe wayna kala tageen, iyagoo weli isku hammuun qaba islana jaangooyey kulan kale oo ay bishan dabayaaqadeeda isugu yimaadaan, si ay geediga hore ugu wadaan oo guushooda guurdoon uga sal gaadhaan waa haddii calaf eebe isugu daree. Geestiir waxa si gaar ah welwel ugu haya oo uu la dawakhsan yahay, waa sidii uu reerkeeda u weydiisan lahaa Sareedo, isagoo anfariir iyo cabsi ka qaba in loo diido oo in uu guursado laga hor istaago maadaama uu ka soo jeedo reer “Jiic” oo aanay is guursan reerka ay sareedo ka dhalatay oo ah reer “ Dabdhac”. Hase yeeshee, isaga iyo sareedo ba waxay go’aansadeen in ay gacmaha is qabsadaan oo ay si wada jir ah caqabadaas uga gudbaan. isla markaana ay jebiyaan xeerkaa iyo gidaarkaa labada reerood ku kala meersanee kala xayiray geyaan badan oo sida geestiir iyo sareedo laabta iska gaclooday; balse, nasiib daro aan xeer dhaqammeedkaa ka gudbi karin.
Wax se is weydiin mudan, suurtagalnimada in xeerkaas muddada dheer soo jiray ee lagu soo dhaqmayey si fudud loo baabbi’in karo iyo sida loogu qancin karo reer Dabdhac, siiba odayga tukaale ah, in uu gabadhiisa siiyo Geestiir oo ka dhashay reer Jiic, isagoo u diiday rag sharaf iyo karaamo ku dhex leh qabiilkiisa, reer Dabdhac. haddiise uu oday tukaale iskaba aqbalo, tolweynaha reer Dabdhac ma yeeli doonaan, ayaa ah dooda iyo mala awaalka meesha yaal, horraase Soomaalidu u maahmaahday oo u tidhi “ Fardo laysugu joogo, la is kuguma faano” .
Ayaamuhu dhakhsiyo badanaa, maalmuhu socon ogaa, durba wakhtigu soo meer ,oo balankii isasoo gur, waa laysku xiisoodee qof walbi halhaleel ka bihiisa u soo ilay, toobiyaha soo qaad oo bartii lagu balansanaa isasoo lig, labadooduba waa neef tuurayaan oo waxaad mooda dad mudo dheer la kala xabisay, oo jeel ku kala abaaday, maadaamo ay meelo fog fog isaga soo lugeeyeena, socodka ayey ku soo xiiqeen, indhahaa isku basaasay oo qalbiyadaa is tebay, wadnayaal baa is bariid shay, salaan diiran oo kalgacal xambaarsan, hadallo xubi ku lammaan yahay haddii hal xoogaa ah laysku madadaaliyey, geestiir wuxuu u balfiyey Sareedo inuu gunta dhiisha isaga dhigayo oo uu toddobaadka dambe u soo geed gelayo:
- Balan bayn lahayn
- Bishii horaan dhiganoo
- Guri in aynu binayno
- Bilanay ku heshiinee
- Bar barkay ka baxdaa
- Waa bakayla qaleen
- Hadalka aan bal balaadhshee
- Bilkhayr weeye gudoon
- Waa bishaaree I bogaadi
- Barkhad weeye dabaal deg
- Batar baynu ciyaari
- Balwona waynu ku daali
- Wil wilo waynu u baaqi
- Bilcataan sugayaay
- Boqoradii wadnahayga
- Bartankiisa degtaay
- Beerku miduu tabayaay
- Fulaybaa bar bariiqdoo
- Weerar laysku bas beelay
- Baqa oo isku dhuuntee
- Geesi waa biraan jabin
- Beegsada dagaalkiyo
- Halka belado taalaa
- Anna in aan bahdaa ahay
- Burjigaana leeyahay
- Buur iyo nin adag ahay
- Baabulaha libaax ahay
- Halyeey lagu baxsado ahay
- Deeqsi maal baxshana ahay
- Bulsho koriye aan ahay
- Bayaankeedu wuxuu yahay
- Markaan kuu badheedhee
- Barbaartoo kaa cabsanaysa
- Soo biimeeyey naftee
- Jacayl kuu soo bandhigee
- Kal gacayl kugu beeree
- Qalbigaaga bartiisiyo
- Aan ku saafmay bogaaga
- Bartanka aan ku dhuftoo
- Boogta aanba dilaacshee
- Wax badan baan hamiyeeynoo
- Guurka baafinaynee
- Maanta soo banbaxee
- Beeldaajihii aabahaa iyo
- Seediyadaydii bilnaa
- Fariintaydan ku baahiyoo
- Ku butaaci warkoo
- Baashihii aan u burseelaa
- Beri ii soo geed gelayoo
- U soo boqoolay dhankiinee
- Boodhka ha layska jafo
- Ku bariidi sareedaay.
- la yaab ma leh, waa caado soo jireena oo hablaha Sooomaaliyeed lagu yaqaane, sareedo waxa markii ay warkaa maqashay laga dareemayey yax yax, qajilaad iyo xishood wejigeeda daboolay, niyad ahaanse way faraxsanayd, in ay mashxarado ayey ku sigatay, iyadoo dhoola caddaynasa ayey jawaab debecsan ku soo celisay geestiir, sheegtayna in ay ka guddoontay farriintii uu waalidkeed ugu dhiibay, waxayna balan qaaday in ay gaadhsiin doonto , iyadoo tidhi “ ha welwelin, hana is wareerin, wax kastoo aad tahay anaa kugu doortay, dookhaygii baad tahay duntuna iigu kaa xidhan, waxaan qabaa in aan quman ahay, ma jiro sharci diini ah oo kala xaaraanti nimaynaya in ay is guursadaan wiil reer jiic ah iyo gabadh reer dabdhac ah, labadeennuna waa in aan astaan u noqonnaa oo aan duminaa xeerkaasi qoysaskeennu dhigteen ee xad gudubka inagu ah, waa lagu soo dhoweyn ee hore u soo mar, haddii guurkeenna laga horyimaado na, adigaa inoo talinaya oo sidaad rabtid baan kula yeeli, geestiiroow midaa maskaxda ku hay, aan isku kalsoonaanno, go’aamadeennana aan ku ad adkaanno oo ku dheganaano, yeynaan u jabin una liican nacabka iyo cadowga badan ee jacaylka la deriska ah” ayeey hadalkeedii ku soo afmeertay sareedo.
- Maalintaynu lahaynee
- Ka maamuusayney bilaayee
- Maalmaha aan ka xusayney
- Miro dhalaayey jacaylku
- Mataano aan noqonaynay
- Ayaa soo mudh baxdoo
- Mudadeedii la gaadhay
- Murugo ha isku abuurin
- Maskaxdaada ha daalin
- Maanku yaanu gidaarkiyo
- Muraayadaa kula jiirane
- Miiganoow is adkeeyoo
- Minankeena mar kaalay
- Muraadkaagaa cadayso
- Midna uurka ku hay
- Maso in aynu nahoo
- Inna mideeyo jacaylku
- Oo aynaan kala maarmin
- Midhna aadan ahayne
- Midigtaada aan joogo.
Hore waan isku hubey, haddana isku halayn buuxda ayaan qabaa, kamana shaki sani in aad gadaal iga wareento oo aad cadowga ii kado ama in aad axdiga iiga baxdo oo aad wacadka burburiso ayuu geestiir si rayn rayn ah u yidhi, markuu si taxadar leh u lafa guray kelmadaha ay Sareedo kula hadleysey ee qalbigiisu la gilgilshay oo la dhaqaaqay. Waxayna, guntii iyo gebagabadii, isla qaateen in sareedo u sheegto waalidkeed oo uu ugu horreeye aabbaheed tukaale in uu soo doonanayo geestiir. Dabadeena, ay ka ficil qaataan sida uu tukaale arrintaa uga jawaabo, haddii uu yidhaahdo hawraarsan waa saynu rabnay, haddii uu diidana talo kale ayeennu ka yeellan ayey hadalkii ku gunteen, Sidaasaa lagu balammay oo habeenkaanna laysku macasalaammeeyey.
In kastoo waagii beryey oo ay barqo tahay, salaaddii duhurna dhowdahay odaygii tukaale ahaana uu weesaysanayo oo uu salaadda duhur isku diyaarinayo. hadana Sareedo way ku dulmeerasaa oo weli waxay ka war wareegaysaa in ay aabbaheed u taabato sheekada iyada iyo geestiir ka dhaxaysa iyo inay oofiso balankii isugu dambeeyey ee ay wada galeen geestiir, oo ahaa in sareedo ku wargeliso aabaheed in lagu soo maqan yahay si uu ugu wacyi gashanaado oo uu warqabe u noqdo. Mar dambe se ayey go’aansatay baduba buurta ha jiidhee in ay aabbaheed xaalka jira u taano taanayso oo ay wixii jiraba daaha uga qaado.
Oday tukaale oo weesadii dhamaystay markaana damacsan in uu xaggaa masaajidka u kaco, ayaa gabadhiisii sareedo u yeedhay oo intay gacanta qabsatay qolkiisii hore ugu marisay. Oday tukaale oo yaabban, niyadana iska leh weynaa gabadhaado waxay maanta kuu sheegi doonto, dhinacna ka maqlaya aadaankii salaadda duhur ayaa hadalka bilaabay oo inantiisa ka dalbaday in ay hadalka soo koobto oo ay nuxurka danta ay leedahay si hufan ugu soo gudbiso
- Salaadii duhur weeye
- Dadkii baa tukanaaya
- Jamaca yaanan ka daahine
- hadalkaaga duxdiisiyo
- ideeqsii dulucdiisoo
- Duca qabtooy ii dedeji
Intaa dabadeed, waxay sareedo guda gashay in aabbaheed tukaale ay ka dhaadhiciso una sharraxdo in ay wiil guur ku heshiiyeen toddobaadka dambena loo soo gogol fadhiisan doono, ayna mudantahay in laysku diyaariyo oo la soo dhoweeyo.
- Gabadhi waa laba uun
- Guri in aay kaaga jirtoo
- Say gabaad u ahaado
- Ama in ay god gashoo
- qabri loo gelbiyoo
- gunta u jiifto xabaal
- odayaal gaamurayoo
- qarniyaal galbadoo
- gidigood aakhira aadaa
- laga soo guurshay midhkaa
- gar in aanay ahaynoo
- haweenka ay ku gefeen
- waa garwaaqsan ahay
- Runtana gees Mari maayo.
- Intaasi waa arar guud
- Gogol dhigii hadalkayga
- Gu’ayaal baad I lahayd
- geeridayda horteed
- Guri yeelo wanaagsan
- Igu guubaabinasoo
- Guulane aad ka baryeysey
- Anna qaatay go’aankaa
- Geyaankayga dhex rooray
- Geesi aan ku qancoo
- Ii qalma oo I geyaan
- Guur kula soo balamoo
- Ii soo geed galayee
- Gabaadkii ka gudooma
- Gabadhiinana siiya.
- Weger, waan filaayey oo mar kastaba gabadhi waa guur u joog, nuxurka hadalkaaguna wuxuu u dhacayaa in lagu soo doonanayo, sidaa darteedna ay tahay in aan u sii gogol xaadhno guurtida nagu soo beegan, oo aanu kuu bixino sidii gabadh loo bixin jiray, isla markaana aan qaadano doorkii arrintaa nagaga aadaanaa, laakiin, maandhaday weli afkaaga kama hayo wiilka ku soo doonanaya ee aad calmatay guurkana ku balanteen Inaayadiisa, qoyskiisa iyo beesha uu ka dhashay ee ii faahfaahi, ayuu oday tukaale gabadhiisa so’aalay.
Sareedo na jawaabta kuma hakan ee si geesinnimo, dhiiranaan iyo isku kalsooni ku jirto ayey aabbaheed tukaale ugu waadixisay ninka ay guurka isku waafaqeen, magaciisa iyo cidda uu yahay intaba.
- Geestiir baa la dhehaa
- Waa ina geedi miraaf
- Gugii caano ma daadshe
- Goshii aan deganaynee
- Ka sokaysey ganaane
- Garabkaan isku haynoo
- Guryohaadan derisnoo
- Gabaldhacan ka xignay.
- Habeenkii geelu halaabee
- Awrkii goonya cade
- Waraabuu kala gooyey
- Geedigii soo gurmadee
- Soo ganaayey falaadha
- Waa guhaadkuu ku curtee
- Aabe ma is garateen
-Tukaale waa ka dhidid fagax ka soo yidhi, gacanta ayaa gargariitay oo cadho darteed ayuu wejigu dhalan rogmay, ushii uu ku tukubayey ayuu damcay in uu ku kala rogo sareedo waase is qabtay oo is dejiyey, hubsiimo hal baa la siistaayey bal warka dhuux ayuu maskaxda ka go’aansaday.
- Naa ma ina geedi warfaa
- Baad geesi aad ka dhigtoo
- Gobna aad ku tilmaantoo
- Amaan guudka u saartoo
- Geel in aan ka xereystoo
- Gabaati aan ka gudoomoo
- Aan kuu guursho rabtaayoo
- Gun nimo aad ila dooni
- Reer jiic in aan kala guurnoo
- Geyaankeenu is guursan
- Guurtidii hore goysey
- Garaadlay waad ogtehee
- Ma garowsan warkaagee
- Dhabta soo gudbi aabe
- Xaaladdu waa adkaatay, sareedo waxaa u muuqata usha dhebida ah ee odaygu uu ruxayo ee uu la kadh kadh leeyahay, hadaadse dhimanayso dhareerka waa layska duwaaye ku adkayso go’aankaaga ayey talo isugu geysey, waxay isku taxa lujisay iskuna hawshay in ay aabbaheed Tukaale si kasta ha u madax adkaadee gelin siiso in aanay jirin sabab laysugu diido iyada iyo geestiir, sabab loo kala horjoogsado oo loo kala irdheeyo ama loo kala fogeeyo . Waxay aabbaheed tukaale ugu calaacashay haddii aannu geestiir gaal ahayn oo muslim yahay, hadduu Soomaali yahay oo aan sinji iyo farac wadaagno, haday sideena gun iyo goba leeyihiin, waa maxay godobta u gaara ee in aan is guursano taakada ku ahi.
Oday tukaale waa u soo hogtay hadalkii gabadhiisa, allaylehe gar bay ku hadashay oo runtay abaartay ayuu maanka iska yidhi, hase yeeshee, isagoo garowsan ayuu gees maray oo si ula kaca sareedo ugu sheegay in ay doodda yareyso una hoggaansanto amarkiisa, geestiirna iska hilmaanto oo ay nabdiga ka saarto isna uu sidaa ugu duceeyo.
Nin meeli u caddahay meeli ka madoow e’, miyeey ilaabi kartaa oo ay si fudud niyada uga tirtiri kartaa geestiir, miyey ka ahaan kartaa oo ay ka dheeraan kartaa, dhab ahaantii waa maya, bal in uu u diir naxo oo xaaji tukaale qandhada jacayl iyo xumada haysa la dubaaxiyo ayey sareedo ereyadan oodda kaga qaaday.
- Ma hilmaamo karoo
- Geestiir waan ku hadraa
- Habeenkii waan ku qarwaa
- Naftaydaa u hogaansan
- Hamuun bay u qabtaa
- La’aantii hadhsan weydey
- Xareedoo habqamaysa
- Haraaciyeeysa duleedka
- U haraaday daraadii
- Halbowlaha bartankiisiyo
- Wadnuhuu hoy ka dhigtay
- Haybadle weeye halyeeya
- Geesi weeye hormuuda
- Hiil iyo hoo bale weeye
- Hoodaale weeye nasiible
- Hadii aan isa seegnoo
- Geestiir aan hanan waayo
- Qabribaa laygu hamsiinoo
- Hadaan baan iska tuuri.
Oo yaa dheg jalaq u siinaya, yaa catowgeeda ciirsi uga noqonaya oo u garaabaya, ma tukaale oo aan calool nugayl u dhalan, adayga iyo qalafsanaanta loogu daw galay, gorayooy gabal kuu dhac, halkii ay garowsho ka sugaysey ayaa aabbaheed tukaale dhebida ku boobay oo usha la dulmaray, qayladaa isku yeedhay, waa ta laysku soo baxay oo deriskii oo dhami gurigii tukaale isasoo tumay, yaab badanaa oo amakaaga badanaa, oo maxaa odaygu qaatay weligiiba gacan uma qaadin gabadhiisee oo maanta ku diray, annagaa belo aragnay, hadalo noocaasa ayaa dadkii goobta ku soo xoomay isla dhex qaadeen.
Aw-cumar oo ah imaanka masaajidka waxa uu ka mid yahay dadkii ugu horeeyey ee rucle oradka ku yimi guriga tukaale, garba duub intuu u qabtay tukaale ayuu aqalka bannaanka uga saaray oo xagga masaajidka ula dhaqaaqay, waxaase dhegihiisa ku soo dhacayey ereyo ka soo burqanayey sareedo oo ilmaynasa oo ay ka mid ahaayeen: “geestiir waa i geyaa, isagaana i guursan, aabbahayga tukaaloow ama diid ama yeel” weedhahaas oo ay ku soo celcelinaysey.
Dhinaca kale geestiir waxa uu ku jiraa “quudaan jirin qoryo u guro” odayaal gole jooga ku wacan, aftahannimo na u dheer tahay ayuu mar hore ba diyaarsaday. Waxa uu sugi la’ayahay goorta iyo ayaanta uu sareedo farriin ka heli doono, si uu fagaaraha isku geeyo oo uu isku muujiyo, waase dherarsaday oo muddadii baa la fogaatay , mase oga in sareedo dhib mudatay oo aabbaheed tukaale naafaayey.
Dartiina in ay maxbuus tahay oo aysan aqalka ka soo bixi karin, haduuse muddo yar isla sheekaysanayey oo keligii hadba faalka doc u rogayey, waxa uu talo ku goystay in uu samir dugsado, kana war dhowro sareedo.
- Sareedo waan sugayaa
- Inta ay war saxiixiyo
- Ii soo dirayso waraaq
- Samir baan xigsanoo
- Ku sabaalin naftayda.
Aw-cumar oo goconaya ereyadii sareedo ku dur yamaysey, waxa uu xil is ka saaray sidii uu xog ogaal uga noqon lahaa arrintan dabka ka dhex shiday aabbe iyo gabadhiis ama tukaale iyo sareedo, waxana uu ku tashaday in uu odayga iyo inantiisa dhex galo, haddaad ba fursad u haysaaye ku dhaqaaq oo sareedo ku hor mar ayuu talo ku guddoomiyey.
- Silsilad weeye aduunku
- Saaka waad qadasaa
- Saadanbaad dhergasaa
- Ninkii maanta sareeyee
- sanka haystay aduunkee
- Sumcad meel sare gaadhay
- Saakuub baad arkasaa
- Isagoo suuqa dhex taagan
- Silcayoo aad ka naxaysid
- Sabooloo hanti beelay
- Duni waa sifaheedoo
- Mama dhaafto sagaal
- Sideedana ma tobnowdo
- Doqon baa ku sirmoo
- Aakhiradiisa ku seegee
- Saalixu waa is jiraayoo
- Safarkii daarta dambuu
- Sahaydeedii diyaarsanoo
- Ma sagsaago salaada
- kolkuu saadir xusuustona
- Sujuud buu la dhacaa
- Sakada wayska baxshaa
- Samo in aan ka shaqeeyana
- Khayr baa iigu siyaadiye
- Sareediyo aabeheed
- Shaydaankii baa isku diroo
- Isku soofeeyey shalee
- Xaalada aan soo dejiyoo
- Ku soo afmeero wanaage
- Sareedo aan ku horeeyo
- Sababta ay isku jeedhiin
- Aabaheed isku seegeen
- Aan ka weydiiyo so’aalo?
Aw-Cumar markuu soo gaadhay gurigii tukaale oo uu irridda ka soo galay waxa kolkii u horreysayba indhihiisu qabteen Sareedo oo lugaha silsiladdii kaga jeebaysantahay oo diif xooggan ay ka muuqato, waa keligeed oo oday tukaale aqalka waa ka maqan yahay, markuu ku dhawaaday ee ay iyaduna halacsatay isla markaana aqoon satay in ninka u soo galay aw-cumar yahay ayey ilmo ka soo qubatay, hal cabbaara jawi qiiro leh haddii la dhex dabaashay, aw-cumar waxa uu sareedo ka dalbaday iyadoo degan in ay uga waranto waxa sababay in ay aabbaheed tukaale madaxa isla galaan, ugu dambayntana keenay in silsilad lugaha looga xidho oo xorriyaddii laga qaado, warka uga tibixsiisay, bilow iyo dhamaadna sheekada u guud martay
- Dembi weyn ma aan gelin
- Daarana ma aan dumin
- Duunyona ma aan dhicin
- Dabuub lagu xumaaduu
- Aabahay damqaysoo
- Sharaftaasi duriysiyo
- Deelqaaf kumaan odhan
- Debed wareeg ma aan noqon
- Macsi loogu dawgalay
- Waxse aan ka doodnoo
- Isweydiinay doraadoo
- Dabcan keenay dilkoo
- Aabahay ka dudoo
- Dushaydana u budheeyey
- Dano guur la xidhiidhay.
- Dookhaygaan dalbadoo
- Mid yaroo aan ku degoo
- Iimaankaygana deeqoo
- Dabcigiisa la yaaboo
- Da’ayarta aan ka xushaan
- Dadab gal aan ku heshiinoo
- In uu isoo doonta rabee
- Duunyada ka gudoomoo
- Isugu kaaya duceeya
- intaasaan isku diidnoo
- dagaalku uu ka dhacee
- bal dawee shiikh cumarow
Aw-cumar isaga oo doonaya in uu ka gun gaadho xaajadan murugsan, ayuu sareedo weydiiyey haddii ay u sheegi karto sababta ugu weyn ee in ay is guursadaan iyada iyo geestiir hortaagan, isagoo yidhi ma islaamnimadiisa ninka shaki ku jiraa oo sidaasaa tukaale u diiday in aadan guursan; mise Soomaali buu san ahayn oo sinjiyadiisa awgeed baa laguugu diiday
- diidanaantu asbaab iyo
- daliil miyeey wadataa
- geestiirkaad dalbatee
- dabcigiinu heshiiyey
- ma diintiisun aqoonin
- oo cibaadaduu dayacoo
- isagaa is duleeyoo
- Sidaasaa lagu diiday?
- Ma diirkiisaa dabrayoo
- Diinta islaam ha noqdee
- Somali buu ka durkoo
- Sinjiyadiisa denmaaga
- Oo sidaasaa lagu diiday?
- Mise waa la dulmoo
- Si kalaa loo durayaa?
Nin ba meesha bugtaa isagay belbeshaaye, sareedo oo u muuqata in boogtii ay la tiicaysey la damqay, ayaa shiikh aw-cumar si mug leh ugu iftiimisay ugana bayaamisay xeerka ay ka talaabi waayeen ee iyada iyo geesteer kala irdheeyey ee kala fogeeyey “aw- cumaroow ma dowbaa diintuse maku bannaantahay in wiil islaama, iimaan leh, Soomaali ah laygu diido guurkiisa sabab qabiil la xidhiidha” ayey sareedo ku tawaawucday.
Aw-cumar iyo sareedo oo weli hadalkii haya ayaa waxaa aqalka soo galay oday tukaale, hadii aw- cumar lays bariidshey oo sidii caaddada u ahaydna kaftan iyo weedho doc ka tuuro laysku tuurtuuray, waxa tukaale ka codsaday aw-cumar in uu waaniyo una caqli celiyo sareedo, laakiin aw-cumar markiiba intuu fadhiga ka kacay ayuu oday tukaale garabka qabsaday oo duleedka aqalka la istaagay, dabadeedna isagii hogo tusaaleeyey oo talo ku siiyey in uu gabadha iyo wiilka isku guuriyo, meeshana aanay oolin sabab maan gal ah oo laysugu diido.
Muddo dheer ayey doodayeen tukaale iyo aw-cumar, istaaga ayey ku daaleen oo ay kada loobsadeen, jilbaha ayaa laysku aastay oo laysku badheedhay, mar waa isku kulalaadaan oo faraha isku taag taagaan, marna si qaboow ayey doodda u wadaagaan, hase yeeshee, markii dambe aw- cumar waxa uu ku guulaystay in uu si quman uga raarido oday tukaale in uu oggolaado guurka geestiir iyo sareedo taasoo; gabagabadii uu tukaale qalinka ku duugay.
Aw-cumar iyo tukaale si wada jira ayey ugu bushaareeyeen sareedo, aad ayey u faraxday oo u rayraysey, aabbaheed tukaale ayey madax ilaa majin dhunkatay, waxay u ahayd habeen barkhadeed oo taariikhdeeda baal dahaba ka galay.
- Habeenkii bilaayoow
- Habeenkii jacaylkoow
- Habeen lagu badhaadhow
- Habeenkii hamigaygiyo
- Hadafkayga dhabeeyoow
- Habeenkii dhakafaarkiyo
- Hawaawi iga hadhee
- Halyeeyga aan hantiyoow.
- Waxa tahay hubaashii
- Habeen loo dabaal dego
- habeen loo ciyaar tumo
- Farxad loogu heesaa.
Dhanbaal war farxadle xambaarsan ayey sareedo maalmo ka dib u dirtay geestiir, waa nin u jeelanaa una hamuun qabay war oga yimaada dhanka sareedee farxad ayuu kala bad batay, ma run baa ma been baa warka aan maqlayaa ayey kaga dhegtay, odayaashii uu beryahan u diyaarsanayey in ay u doonaan sareedo ayuu madal ku kulmiyey oo warkii la wadaagay, qaar ka mid ah odayaasha ayaa ay qaadan waa ku noqotay hadaladan ka soo yeedhaya geestiir, hase yeeshee, yeenaan ka hor dhicine aan la aragno ayey afka jug isku siiyeen.
Oday tukaale laftigiisu wuxuu dhib badan ka maray siduu odayaashii beeshiisa uga dhaadhicin lahaa in uu gabadhiisa sareedo kula xididayo reer jiic, nasiib wanaagse, ugu dambayntii, waa ka garaabeen oo ay tukaale ku raaceen go’aankaas uu gaadhay; hase ahaatee, waxaa xusid mudan in hawsha aannu tukaale keli ku ahayne uu markasta ka agdhowaa oo garabkiisa uu taagnaa aw-cumar.
Galab casar liiqa oo qorraxdu sii dhacayso ayaa madal loo dhan yahay laysku weydiistay sareedo oo lagu kala guddoomay, iyadoo talaabadaasina albaabka u furtay geyaan badan oo kala gabanayey in ay isku soo badheedhaan oo ay is guursadaan.
Gebo Gebo

No comments:
Post a Comment