Gabaygan waxa tiryay Siciid Yuusuf Maxamed (Gabare) ,Kagana Hadlayo Ahmiyada ay Nabaddu u leedahay noolaha.
Wacyigelintu waynoo dux iyo
erey dareenkiis e
Oo dardaaran u ah aadamiga
inay dareemaane
Oo makhluuqu daba joogo oo
marin dawaafaaya
Oo ciddii ka daba leexataan
dowga ku aroorin
Dabin xumuhu soo daadshay
bay dalaq tidhaahdaaye
Ana maanta ila daya halkaan
diirada u jeedshay
Oo u fura damiirkiyo dhegaha
ereyga aan doortay
Dadoow nabaddu waa shay dugsiyo
daawo nololeed ah
Wax la yidhi dagaal beri
dhacoo duunyo ku idlaatay
Inta foodda lays daray ayaan
daw la kala yeelan
Markii uu dayaankii dhacee
hilibku duulduulay
Ayaa ay duqaydii gashoo
dabar go’ii baaqday
Oo damal hadhwayn loo gogloo
hawshi lagu diiray
Oo sabada dayr looga dhigay
duul midnimo doonay
Markii geellu dararree naflii diiftii laga maydhay
Ayaa kii dabkaba oogay ee
dirirta heenseeyey
Dib u eegay waayii dhaciyo
noloshii diihaalka
Wuxuu yidhi dugaag baa na
cunay oo dig naga siiyay
Wixii dacas na soo gaadhay ee
boodhhku nagu duulay
Duurkaan ku jiray maalmahee
diiftu igu haysay
Dayacaan la eedaaday iyo
meeshii dirir joogay
Diihaalkii naflaha gaadhay
ee diirta lagu laayay
Dar Ilaahay waxaanaan ka
darin nolosha daanyeerka
Maantana darkaan joogo iyo
doorka noloshayda
Doogiyo naqaa baxaya ee lagu
damaashaaday
Aroosyada darfaha laga
dhisee ooshu wada daartay
Dadoow nabaddu waa shay dugsiyo
daawo nololeed ah
Dacallada adduunkiyo halkii
degel ka seesmaayo
Halkuu degay makhluuq ee khalqigu
nolol ka doonaayo
Magaalooyinkaa dabqyadiyo
daaraa laga taagay
Dugsiyada aqoontiyo cilmiga
lagu daraaseeyo
Darka xoolo ka cabbaan
midkii ramadku daaqaayo
Diyaaradaha samadiyo intii
dooni raranaysa
Dukukuur ma yeesheen hadday
nabaddu daandaanto
Oo ay colaad diiran iyo hogo
dagaal gaadho
Dadoow nabaddu waa shay dugsiyo
daawo nololeed ah
Nalka waxa u
daaroo mujtamici daaha uga qaada
Waxa dib u dhac
ka ilaaliyoo dabar u diidaaya
Aan dagin
barbaartooda iyo idil udqaydooda
Daryeelkoodu waa
nabad haddii daaqad laga eego
Dadoow nabaddu waa shay dugsiyo
daawo nololeed ah
Daayinkii dadkiyo
duunyadiyo dunidan aasaasay
Daayinkii colaad
naga didshee nabada noo dooray
Daayinkaan nakala
dayrin ee aan na kala doorin
Dadyow waa innaan
mahadinaa dagalkaan joognaaba
Daayinnoow
dilaagii xun iyo kii hanfiga daara
Duli qaba
dhagartiyo denbiga duudka raranaaaya
Ee boogihii laga
darsaday dogobka saaraaya
Daayinnoow adaa
dagi karee gelin hanoo daynin
Dadoow nabaddu waa shay dugsiyo
daawo nololeed ah
Waxa kownka dahab
yaala iyo duunyo lacageed ba
Haddii laysku
daroo habeen laysla wada doonto
Nabad lagama
doorsado haddii daacad laga eego
Dadoow nabaddu waa shay dugsiyo
daawo nololeed ah
Berde daatay
midhihii daray xoolo dararaaya
Halo dihin darmaan farasa iyo baarqab
doobinaya
Caanii Dahabo
xoorkii Dalays doobi lagu keenay
Durdur ceela oo
dooxo mara dulundulcaynaaya
Kayn Yac daaqay
oo uu Atoor dacal ku dheelaayo
Intaasiba markaad
daawatee dulucda sii raacdo
Nabadday ku
doodaan nasriga ugu duceeyaanna
Dadoow nabaddu waa shay dugsiyo
daawo nololeed ah
Waxaan ugu
danbayn doortay aan gabayga deeqsiiyay
Da’yarteenan
suuqyada galee dulundulcaynaaya
Ee dumar wax
iibsanaya iyo gaadhi daba jooga
Ee fiidka
dalandooliyee deriska shiidaaya
Dafaya haatufyada
ee iyagu duluca siibaaya
Nabadday
dureeyaan haddaan waano lagu deeqin
Daayinoow adaa
deeq baxshee nabad ha noo diidin
Dadoow nabaddu waa shay dugsiyo
daawo nololeed ah
Siciid Yuusuf Mohamed Gabare
Erigavo Somaliland

No comments:
Post a Comment