MA KHASAB BAA INAAN
CAQABAD LA KULMO?
Waa haa jawaabtu inaad caqabad la kulanto ,waayo Alle
subxaanahuu watacaalaa ayaa in badan kaga waramay inay sunnayaasha waa weyn ka
mid tahay inaad la kulantid caqabad. Tusaale haddii aynu u soo qaadano mid ka
mid ah ayaat-ka Eebbe subxaanahuu
watacaalaa Suuratul Mulki;aayada Labaad
wuxuu ku yiri Eebbe,’’Alle
waa ka abuuray geerida iyo noloshaba si uu idinku imtixaamo”. Waa maxay
ujeedada ka danbaysa geerida iyo noloshaba? waa in la ogaado qof kasta iyo waxa
uu shaqaystay iyo sida uu nolosha u wajahay.Bal iskaba dhaafe waxaynu tusaale u
soo qaadan karnaa ,suubanihii caleyhi
salaatu wasalaam iyo sidii loo imtixaamay.
Waxa aynu ka war haynaa
sidii loo imtixaamay iyo sidii uu uga guulaystay.Isaga iyo tolkii waxa kala
qabsaday iyo sidii ay u go’ doomiyeen isaga iyo saxaabadiisii iyo qofkasta oo
taageera suubanaha .Hadaba waxay tahay su’aashu hadii Nebigii naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha
ahaatee,sidaa uu u wajahay caqabado faraban innaguna inaynu la kulmayno waa
sunne rabbaani ah ,bal wax aad eegtaa
dhamaan Rusushii Eebbe soo diray iyo
dhibaatooyinkii ay la kulmeen. Nebi
Ibraahim caleyhi salaam waxa aynu ka
war haynaa in dab ay ku rideen tolkiis isagoo raba inuu ka bad baadiyo naar
kulul. Nebi Nuux caleyhi salaam 950
sano ayuu tolkiis ugu yeedhayey dacwada.
Adigu ma awoodaa inaad intaa inleeg aad adkaysi ,
dhabar adayg, sabir,iyo dulqaad aad u yeelato? Jawaabtu waa maya? Haddaba walaalkayga / walaashayda Muslimada/muslimka ah ogow kuna
baraarug sanow in aad la kulmaysid caqabado fara badan kuwaas oo qaarkood ay
kaa yaabiyaan illaa ay ku gaadhsiiyaan inaad naxariista Eebbe ka quusatid. naxariista Eebena kama quustaan illaa
kuwa Daalimiinta ah mooyaane. Ha quusan ,hana isdhiibin ,nolosha
waxa ugu liita qofka isdhiiba. Maanka iyo caqligana ku hay in ay jiraan dad
adiga kaa horeeyey oo hortaa maray wadadan dhagaxaanta iyo qodxaha badan
dhaawac weyna u geystay dhammaan dadkii
wadadaas maray.
W/Q:Cabdiqaadir ismaaciil Jubba

No comments:
Post a Comment