Saturday, February 21, 2015

U HIILI AFKAAGA HOOYO Qore:Siciid Cabdi Xasan

















                

U HIILI AFKAAGA HOOYO





soomaalida waxaa sanadihii ugu dambeeyey ku soo kordhayey dadka ka guuraya ku hadalka afsomaliga una hanqal taagaya ku halqabsiga afaf qalaad.
isagoo liidaya, bahdilaya , dhabar goynaya afkiisa soomaaliga oo uu u arko af aan isaga waajib ka saarnayn ilaalintiisa iskana dhega tiray oo aanay u dhandhamayn murtida badan ee ku dheehan afkiisa ee inta badan aan laga helin afafka kale.
Taa bedelkeedana waxa uu kobcinayaa, koolkoolinayaa, oo uu korinayaa af qalaad oo dadkii lahaa gaadh ka hayaan kuna dhegsan yihiin ku hadalkiisa , kana shaqaynayaaan horumarintiisa waa yaabe aaway afkaagii, soo ma ogid qofkii ku hadli lahaa waxna ku qori lahaa , dadkana ku dhiirigelin lahaa in aad adiga tahay ma cid kalaa u maqan.
-Marka laga soo tago doorsoonka af-somaliga ku dhacay dhinaca qurbaha oo malaha loo aanayn karo deegaanka ay dadkaasi ku nool yihiin oo afkii soomaaliga isticmaalkiisa ay shiiqiyeen afaf kale oo umadaha wadamadaasi leeyihiin, oo lagu daray waalidkii oo aan qaadan doorkoodii kaga aadanaa ku ababinta caruurta ee afsoomaaliga.
waxaa dhinaca kale muuqanaysa weerar afaf kale ku hayaan afsomaliga wadanka gudihiisa, waa amankaage soo dalkii hooyo ma ahayn meeshii soomaaliga laga soo baran lahaa, gabaadka u noqon lahayd oo dugsi u noqon lahayd afkeena.
hadaba soo tan afsomaligii maanta marti ku ah dalkiisii oo ay kaga xoog bateen afafkii qalaad oo afka englishku safka hore kaga jiro, soo inaga dukaamadii ku qoranayna magacyo afaf qalaad i nooga yimi, soo inaga afsomaliga gadaal marinayna oo soo hormarinayna afafkii qalaad.
hogaamiyayaashii, siyaasiyiintii iyo aqoonyahanadii wadanku lahaa soo kuwa ka faanaya ku hadalka afsoomaaliga oo haday ku hadlaaana ereyo afaf shisheeye inooga yimid soo dhex gelinaaya.
malaha waa halkuu tilmaamay abwaankii soomaaliyeed ee yidhi ” Af qalaad aqoontu miyaa” dabacan jawaabtu waxay ahayd maya , balse iminka sida muuqata aqoontu waa afqalaad.
- Aan is weydiinee ma awoodnaa mase leenahay kartideeda in aqoon yahaniinteena cilmiga xabaarsani, siyaasiyiinteena hogaanka inoo haysaa ay dadkooda wax ugu gudbiyeen afkeena hooyo taasoo hiil iyo garab istaagba ugu filan afsomaliga isla markaana dhimaysa xawliga dhabar go’a ee hada ku socda afkeena.
- afsoomaaliga oo ah afkeena waxa uu difaacayaa jiritaankaaga iyo in aad tahay qof soomaali ah oo ka soo jeeda sinjiyad farac fog oo soomaaliyeed
wuxuu tilmaamayaa in soomaalidu ahayd umad ilbax ah oo wakhtiga iyo waayaha wixii ay soomareen ku cabari jiray suugaanta kala duwan ee afkani qaniga ku yahay.
suugaantaas oo jiilba jiil kasoo dhaxlayey oo maskaxda lagu xambaarsanaa ilaa afkeeno noqday mid la qoro oo suugaantii iyo dhacdooyinkii qarniyada maskaxda lagu soo hayeyna lagu muujiyey qalinka .
qoristii afsomaliga 1972dii oo ahayd taariikhi iyo talaabo lagu faano karo dadkii ugu horeeyey ee soo dhoweeyey kuna diirsaday waxay ahaayeen hal abuurka soomaaliyeed iyo dadka Eebe hibada u siiyey curinta suugaanta waxay garowsadeen in suugaantoodii ay hada ka bixi doonto ku tiirsanaanta in la xafidsanaado oo qofba qof u sii dhiibo oo haatan ay soo ifbaxday fursad ah in qalinka la qaato oo dhinaca qoraalka loo baydho, waa tuu abwaan cabdiqaadir xirsi Yamyam lahaa gabaygii dheeraa ee uu tiriyey xiligaa hadaan qaar ka soo qaadano ” Mar hadii la ii qoray anaa macalinkiisii ah” gabaygan oo muujinaya sida abwaaniinta iyo hal abuuradu isugu arkayeen in ay yihiin dadka xilka gaari ahi ka saaran yahay sii horumarinta qoraalka afsoomaaliga.
Guntii iyo gabagabadii waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan in afkeena aan ugu hiilin karno in aan ku hadalno isaga oo ka badhax tiran afaf kaleoo qalaad,in aan wax ku qorno kuna qabweynaano afkeena oo aan ku faano, dhiirigelin u samayno dadka tiirka iyo ehelka u ah ee garab taagan afkan oo qorayaasha iyo hal abuuradu ugu horeeyaan.

W/Q  Siciid Cabdi Xasan
E-Mail Casuuro1@hotmail.com

No comments:

Post a Comment