NINNA MAANKIISA MA SALUUGO
Talaa laga dilmaa Shay kalaa laga dawoobaa
Nin
han yari ma hana qaado
“If you had it to do over again,what would you do
differentially”
Maanka iyo maskaxda bini’aadamku in ay nabad-qab ahaato , maskaxda
qofka ayaa ah shay uu qofku ku taamayo
in uu helo, balse ay suurtogal ay tahay in dadka qaar ay haleeli waayaan arrinkaa
wadiiqadiisa.
Hase ahaatee waxaa jira talooyin farabadan oo ay ku taliyeen
khabiirada dhinaca maskaxda ah oo haddii uu qofka uu raaco uu ku biirayo ,dadka
iyaga oo ku naaloonaya xasiloonida qaabka dhinaca maskaxda.
Qofka bini’aadamka ah isaga ayaa maskaxdiisa xakuma oo hadba
fikirka iyo go’aanka uu qaato isaga ayey ku xiran tahay.
“Haddii aad tiraahdo haa waan samayn karaa iyo haddii aad
tiraahdo maya ma samayn karo waa runtaa oo adiga ayaa is xukumay”
Haa waan samayn karaa.
Qofku haddii uu rumaysan yahay inuu himiladiisa (yoolkiisa)
gaari karo waa runtiis oo wuu gaari karaa himiladiiisa oo qofku haddii uu garto
inuu gaari karo himiladiisa tallaabada ugu horeysa oo u suurta gelin karta inuu
horey u dhaqaaqo oo gaaro waxa uu hananayo, waa rumayn uu rumaysan yahay inuu
gaari karo yoolkiisa.
Maskaxda aadanuhu wixii ay rumaysan tahay in ay qaban karto
way ka fekertaa oo rog-rogtaa,waxay ka shaqeysaa qaabkii ay u samayn lahayd
qorshahaaas.
Maya ma samayn karo.
“Ninna arxan darada aduunku kama dhigto sabool ama xabsi
kuma riddo,laakiin waa wadadii feker laciin ah(xun) oo uu maskaxdiisa ku
barbaariyey .Aduunku ninna uma dooro sida uu noqonayo, balse wuxuu soo
bandhigaa wuxuu qofku doorto.”
Haddii ay maskaxda gasho in aadan arrin samayn karin
maskaxdu arrintaas waa iska xirtaa kamana fekerto inay xal u raadiso arrintaas
iyo sidii loo suurta gelin lahaa waayo maskaxdu waxay ba rumaysan tahay in aan
la qaban karin.
Waxaan shaki ku jirin in qofka bini aadamka ah uu yeesho
adkaysi, garaad fiican ,hawlkarnimo iyo dhamaystir wixii uu bilaabay oo uu
yiraahdo Haa waan qaban karaa ficilna ku daro.
Haddii aad tiraahdo haa waan samayn karaa iyo haddii aad
tiraahdo maya ma samayn karo waa runtaa oo adiga ayaa is xukumay.
W/Q : Abokor Ciise Siciid

No comments:
Post a Comment