Monday, March 9, 2015

xiisihii hal daqiiqo uun xurmadiisu ahayd



I xurmee xasan’e maana xumeeyey tolow WARDA Waxay ahayd qof aad u degen oo ka fiirsata waxay kastooy samaynayso waxay aad u jeclayd dadka wax tara inay u abaal gudo mar kasta ooy usuura gasho Waxa ay taarikhdu ahayd 12/11/2014 waxay ku sugnayd caasimada Somaliland ee HARGEISA waqtigu waa abaaro 4:20PM waxay soo raacday baska xaafada JIGJIGA YAR
oo ay dagan tahay iyadu waxay soo gashay suuqa muddo kooban ooy jidka ku soo jirtay waxa aad ugu faraxsanayd inay waqti la soo qaadan doonto akhyaarteda suuqa ay isugu imanayaan Cabaar kadib waxay toos u abaartay goobti ay kula balansanayd asxaabteeda “waqti la wada qaadatay oo ahaa mid aad u xasaasiya laysna waraystay” waxay ka soo boqooshay asxaabteda muddo saacada kadib waxay ku sii socotay baska ay xaafadooda u raaci layd Marka ay marayso meel u jirta dhawr talaabo goobta baska ayey indhaha ku dhufatay wiil ay isku fac yihiin oo bareefad ka soo rawaxay aad u labisan oo xarago jiq ku ah daymood badan ka dib waxay u dhaqaaqday dhankiisa ooy isku dhufatay waliba macnaha (garabka_garabkiisa ku beegaysa) waxay u raacisay iyadoo ficilkaa samaynay hadalo aad ay uga muuqdan kalmado xishood iyo naxariis xanbaarsan oo aad looga soo shaqeeyey waxaana hadaladii kamid ahaa: “AX……raali iga ahow qaali \ wax maku gaadhen” YAAB!!!!! Xasan waa uu yaabay isagiiba hadalkiisi lama sugin waana lagu dhufatay loona raaciyey ereyo beer laxawsiya waxaanu ku jawaabay: “OOOOOOOOH…!!! Ok wllo adise wax ma ku gaadhen dahaboy?” Hadalo qarsoon oo lays dhaafsaday kadib: Waxaa la gudo galay arimo guud oo gudo balaadhay waxaba ka sii daran isna wax aka dhex baxay falaadhaha dareenada sidayaadsha Xasan waxa uu halyey niyada aad u daaran oo aad u feejigan balse waxbaa markaa ka xoog badiyey Inaa kadib labadii shaqsi ee (#warda iyo xasan) Waxa ay ku balameen balamo gaara oo wata waqtiyo Maalintaa kulankii intaasu ku dhamaaday waana la kala boqoolay iyadoo mid kasta dareenkiisu rabo inuu la joogo aana la kala dheeran Waxa la gaadhay waqtigii balamaha maalintii habeenkeda la balamay waxa la qaban waayey taleefankii WARDA waxaa ka guuxay qalbigiisa waxyaalahan bal hadaba qiime adu “Ma Is Tiraahda Sidaad Utahay Kuuma Aha, Miyaad Istiraahda adaa Ka Welwel Badan ,Ma Cadhoota,Ma Hinaasta,Ma welweshaa, Ma Xanuunsataa Mararka Qaarna Ma,Oydaa, Ma Is Tiraahdaa Go,aan ka Qaado ma Qaadataa Lakiin Makuu suuragaliwaaya Go,aankaagi Mudo Ka Aamus ma istiraahda Hadana In yar Dabadeed Qoraal ma Udirtaa Markaad jawaab ka waydana Ma Garaacda Tellephoneka Hadii Lagaa Qaban waayana Maka Sii dartaa Xataa Noloshu Diiqad Cidhiidhi Iyo Buuq makugu Noqotaaa Intaad is yara Dajiso Ma Is Tiraahda waxa Tellka lagaaga qaban wayay ama Facebookga jawaab Uga wayday ama Viper ka jawaab Uga Heli wayday Waxaa Weeye qofkaagi uu Hurdaa, ama Shaqo ayuu Kujiraa, ama uu Xanuun sanayaa, ,,,,,,Cajiib, Hadaad Sidaa istiraahdo Xataaa, Inyar dabadeed ma is aragtaa Adoo hadana Warwarki Dib u Bilaabay Adoo Hubsanaaya Inuu Online yahay,Imika adoo eegay hadana ma Eegtaa markale,Waa Qof Wax Jecel Caadadiiye Duruufo Badan mala Kulantaa oo ay kamidyihiin ,,, TELFOON dabku kaa dhaco, ama Ateenka oo Kaa Taga,Khadka Internetka oo Xumaada, adoo Taadi Horaba Laliitay, Hadana Dhankale Hawli makaaga Furantaa oo Noloshaada kale ahi,, Murugo badanaa, Baahi Badanaa, Hiloow badanaa, Rabitaan badanaa, Damqasho badanaa, Waa Jacaylkee ma is Tiraahda maxaad wax Ujeclaatay,, Intasoo Dhib ah Iyo Inkale kale oo aan Qoraalkan Kujirin,, Kolkaad aragto jacaylkaba Ma Istiraahda ma adaa Noloshaada loo soo Diray Inuu galaafto, wayaaab IYO amaakaage Xaaladaado sidaasa,Maku Ilowdaa Jawaab ama FAriin aad ka Hesho Qofkaas caawa ama Maanta oo dhan SugaysaY Kolay waad cadhoon kolkad Aragto ama Codka qofkaad Sugaysay ma Qasho, Ma qarsataa Tabashadaadii Adoo Xanaaqsana Ma istiraahda Qarso Ma isku Qasabtaa Ma Is Cabudhisaa. Xalada Qof wax jecel masoo koobi karayno BAAHIYAHEEDA IYO BOHOLYOWGEEDEE, BAHALKA JACAYLKII BUSEEL BADANA, BARYO BADANAA, SOO JEED BADANAA marmar ma istiraahda Khilaafkiini waaka Keenay inaad is waydaan makala tagtaan idinka oo isu cadhaysan IDAA, IYO KU DAAYAY, ma istiraahdaan markad kala dhaqaqdan eed kala aamustaan ma warwashaa ma Fikirtaa ma Caloolyowdaa ma istiraahda manta ama caawa isugu kiin danbaysa Hadana Ma quusan waydaa ,, Sababna ma unoqtaa markale inaad jacaylkii badbaadiso, Saacadaha Qofkaad Jeceshay Farxad Kusiiyo, Aduunku Makuu macaanada ma is Tiraahda Yaa aduunka Waligiiba Caawa ama Maanta oo kale kaaga Dhiga, Ma Dareentaa Xornimo Dheerada Ma Dareentaa Deganaan Badan. Jacaylkuna Makugu Sii Siyaada” Wax kastaa waxay ka noqdeen wax qasaaray inantii minit gudaheed dareenku u galayna muu helin catwo iyo caloolyow auu isku ciil kaambiya ilaa hada Xasan aadan aar Waxaa halkaa ku gabgabowday qiso ku bilaaban tay riyo kuna dhamaatay balan fur Gabgabo: Dareenkaaga haku deeqin mini tee u sal dhig kana gun gaadh cidanaad naftaada u hibaynay DHAMAAD 
Wq: MUFAKAR: c/raxmaan xuseen jaamac
 Mahuraan_144@hotmail.com 
Hargeisa Somaliland

No comments:

Post a Comment