Sunday, February 1, 2015

......Qurba Joog bay ahayd Isna Qudhac Joog buu ahaa.(Sheeko Faneed).....

 

 

......Qurba Joog bay ahayd Isna

 Qudhac Joog buu ahaa.(Sheeko Faneed).....

Qalinle:waa wiil noloshiisa intiisa badan ku qaatay dalkeena hooyo ,sidoo kale wax-barashadiisa teedii hoose iyo sareba ku qaatay dalka.Inta baddan la qaata asxaabtiisa marka uu fasaxa ka yahay wax-barashada,
waa wiil aad u fur-furan kana dhexmuuqda dhallinta kana tilmmaaman inteeda kale ,
hadday noqoto hawl karnimada, abaabulka dhallinyarada,iyo u adeegista dadka tabaalaysan ,
tallo iyo tusaalle siinta dhallinta ay asxaabta yihiin ee ka
weecsama tubta iyo toobiyaha toosan.
Waxa intaa usii dheer isagoo ah inan dantiisa ku toosan
 una adeega waliidkiis kana caawiya baahiyaha jira, isla markaasna waxa uu ku
dayasho wanaagsan u yahay caruurta ka yar-yar ee ay walaalaha yihiin soomaaliduna
 waxay ku maah-maahdaa ‘’awrba awrkiisa horuu saan-qaadkiisa leeyahay’’haddii uu
 qalinle noqdo wax laguma falaan aan meella loogu hagaagin waxa hubaal ah,
in carruurta kalena uu waddo u furo ayna ku dayato balse, haddii uu sidaa
wanaagsan kusii wado waxa la filayaa in ay noqdaan kuwo ku dayda isla
 markaasina noqda caruur lamidda amaba kasii wanaagsan.
Waxay sidaas ahaatoba waxa uu dhameeyey qalinle jaamacadii uu ka
dhigan jirey magaaladiisa,muddo sanad ah wax shaqo ah ma helin sababtoo
ah shaqadu aad
bay u yar-tahay wuxuu bilaabay inuu waqtiga isku dhaafiyo adeegsiga baraha
bulshadasida sida,Twitter-ka ,Skyp-ga,Vibber,What’s App-ka , gaar ahaan aaladda
 facebook-ga oo ah aaladda ay dhalinta degmadiisa aad u adeegsadaan isagoo
waqtiyadii hore aan fasax u heli jirin isticmaalka adeegyadan.Si deg-deg ah
 ayuu uga caan baxay isagoo ay u saamaxdey fir-fircoonidiisii iyo fur-furnaanshihiisu .
waxa kor u kacay asxaabta uu ku yeeshay degelka Enternet-ka waxa dad badan
is weydiinayaan inankan aadka u wanaagsan ee had iyo jeer dhalin yarada ku
 wacyi geliya samaha kana wacyi geliya dhibaatooyinka maanta ragaadiyey
 dhallinta aafeeyeyna jiil badan oo soo kici lahaa ayna ka mid yihiin, aafada Tahriibka,Qaadka,Mukhaadaraadka iyo dhibaatooyin kaloo fara badan oo aan
 la soo koobi Karin waxa uu hantay una riyaaqay ficilada inankaasi ee
 wan-wanaagsan una khushuucay qalbiyo badan oo foyow iyo damiirkasta
 oo ka damqanayey dhibaatada dhalinta.
Halkaa kumuu joogine waxa uu adeegsadaa waxyaalo farabadan oo gacan ka
geystey inuu arintaas ka jibbo keeno ayna ka mid tahay adeegsiga suugaanta,
maadaama ay bulsho weynta soomaaliyeed ay yihiin bulsho tiraabeed(oral society)
waxna isugu gudbiya Afkooda hodonka ah haday noqon lahayd tiraab haday
noqon lahayd tixo,sidoo kale waxa uu gacan ka helayey xulafaysina ay ahaayeen
 culimadii magaaladiisa oo ka caawin jirey dhinaca diinta uhogga tusaalaynta
dhallinta iyagoo adeegsanaya diinteena suuban.waxadna moodaa inuu ku
dhaqmayey odhaahdii ahayd ‘’Far keliya fool ma dhaqdo’’ haddii aanad haysan
 cid kugu garab gasha amuurta aad waddaa inay noqoto mid si fudud u taaba gasha. kala soco


Waa Qalinkii:Hal-abuur Axmed Cali Abokor

No comments:

Post a Comment