Maanso:Tabasho
Aduuyadan murugtayoo
Mugdigu sii badanayoo
Munaafaqu kudoodayoo
Maluhu kahalaw san yahay
Khilaafkuna madax uyahay
Misaan kuna liicsanyahay
Xaqana loom eel dayayn
Mashaaqadii badatayoo
Mushkilo kadhex taagan tahay
Maankuna is khilaaf sanyahay
Mabaadidii badantayoo
Miskiinkii luumanyahay
Allaw nookala miciin muraadkaan
Leenahayo islaam nimo nugumiday
Munaafaqa soo haday
Allow noo maaro yeel
Adaanu kumagan galnaye
Ninkii maansadan arkaw
Maankiisuna taam yahow
Misaan kayleedihiyo
Midhaha saan weli u wado
Markhaan tiga noo caday
Mubaashiga geediguna
Ma degin meeshaan uraray
Allow noo maaro yeel
Mabdaa aan doonayoyi
Islaam nim nagu miday
Adaanu kumagan galnaye
W/Q:cabdulqaadir MOhamoud Du’aale

No comments:
Post a Comment