Sanaag Mar Soo Arag
Inta Qofku Noolayahay Waxa Jira Waxyaalo Saamayn ku
Yeesha Noloshiisa ,Qadhaadh iyo macaanba waa leeyihiin,Dhamaantood Casharo iyo
Waayo-Aragnimo Ayaa LAga Korodhsadaa.in aad dad waayo arag ah la kulanto iyo
inaad dhul iyo deegaan cusub tagtaa iyaba waa casharada Nolosha Tabtaas oo Kale
inaad socdaashaa Waxay Kugu yeelataa Saamayn ,Safarku haa,Qofka saamayn badan
oo tognaan iyo tabnaan ba leh ayuu ku yeeshaa .
Waxa badhtimihii BIsha Septemper Ee sanadka 2013
Xiiso Badan ayay ii lahayd inaad u diyaar garoobo safar shaqo ,Safarkii U
horeeyey noloshayda ee aan ku tago Gobolka Sanaag ,Sanaag ,Daallo iyo
surad,Tabca iyo meelo cajiib ah ayey caan ku tahay,Dalxiiska Waa meel loo
Majeerto Waxaan u Hayey xiiso BAdan oo laabta I xara dhaamiyey .Haa Adba hadii
Aanaad arag waad jeceshahay ama jeclaan doontaa mar uun inaad tagto Dabadeed
Buuraha Dalxiiska Dushooda Taxtaxaasho,Saw Sidaas Maaha?
Hargeysa oo aan Kasoo Socdaalay iyo ceerigaabo Waxay
isu jiraan ilaa 700km ,Masaafo yar ma aha ,kala badh waa dhul adag oo aan jid
hagaagsan lahayn ,buuro iyo ah ban cidlo ah ,sided saacadood oo aanu Safar
burco ka bilowday ku jirney kadib waxaanu gaadhney ceerigaabo oo meel god ah
dhulka kaga jirta .
Intii aananu gaadhin ceerigaabo ,banka saraareed ee
dhererka ku faana,oo badi barwaaqo ah ayaanu sii jeexnay .
Xoolo adhi iyo geelba leh ayaa meelaha qaar dhex
mushaaxayey ,deegaan barwaaqo ah Weeyaane,daaqa iyo dareemadu waxay ay ahaayeen
kuwo is qabsaday .
Magaalada cimilada U horreysa ee aad geleysaa Waa
mid qabow ah ,Dhulka Cagaarka ah (Gaar ahaan bisha 9aad),Jawiga haadiga ah iyo
deegaanka qurxoon Ayaan aad ula dhacay .
Go’ iyo Koodh iyo wax dhaxanta laga gashado ayaa
lagu wada shaqlanaa,Siiba casarka ilaa caweyska dambe,Laakiin intaas oo dhan
waxa dareenkaygu kaga mashquulay duqayda tirade badan ee ku nool magaalada.
Ceerigaabo waxaan ku arkay in ka badan magaaloyinka
inta odayaal tiradaas iyo da’daas leeg aan ku arkay ,Alle ha u naxariistee
Xaaji Aadan Axmed (Af-qalloc)oo boqolka wax badan dhaafay baan markiiba soo
Xasuustay ,illen isba reer Ceerigaabuu ahaa!
Maxay ceerigaabo kaga gedisanatahay meelaha kale
Ayaan is weydiiyey ?Tolow ma dadka ku nool ayaa dadka ka cimiri dheer mise waa
si kale?
Dad baa ii sheegay in in dhulka qaboobaha ahi sabab
u yahay cimri dhererka ,dadkale ayaa iyaguna sababo kale ii sheegay ,si kastaba
ha noqotee Ceerigaabo waa Magaaldii
Duqayda .
Magaaladu halkaa haynoo joogto’e,dibadda iyo dhulka
dalxiiska meel kamid ah Ayaan Iyana gaadhay ,waxa aan kusoo arkay jannoyinka
adduunka wax kamid ah oo cajab badan.
Waxa aan aan tagey gubanka Caraareed oo ay buurta
Daallo Kor kaga beegantahay Xeelliga Maydhna koonfur kaaga bidhaamayo .
Waxa lasii maraa dawga Tabco iyo buuro tiro badan oo
ka sokeeya ,ilaahay abuurtiis way noocyo badantahay.buuro dherer iyo baaxad ku
awood sheegta oo aad mooddo deyr weyn oo dhulka ku qotoma oo cirka ku dhammaada
ayay aragtida ishaadu ku libdhaysaa ,Markaad kor u jalleecdo ayaad marar
moodaysaa in buurtu kugusoo dhacayso ,laakiin awood qarsoon ayaa halkeeda ku
haysay .
Tiradu ma ahayn mid ama laba waa arlo dhan oo
ilaahay ku teediyey buurahaas daruuraha gaadhaya ee ceeryaantu ku shaqlantahay
had iyo goor.
Ma ahayn buuruhu omos iyo dhagax iyo qarfo .
Ciidda iyo quruuruxa ay kan u ankanyihiin inaad
aragtaa waa dhif iyo naadir.
Dhirta cagaarka ah ee boqolka jaad ah ee ku gadaaman
ayaa wax walba kaa qarinaysa .
Eegmadu marna marna kama xiisa goynayso daawasha
awoodaha ilaahay ee noocyada badan.
Buuraha hirarka ah hadii ay muddo ishaadu ku negaato
waxa aad ka dhex arkaysaa sawiro kale iyo muuqaallo aan marka hore kuu muuqan .
Waad ku raaxaysanaysaa daawashadooda,Kaman xiiso
goynaysid.wax yaab leh oo aan kusoo arkay sanaag ayey kamid ahayd.
Dhulka huwan doogga iyo daaqa waxa kasii qurux
badnaa dhirta boqolka jaad ah ee buuraha iyo bannanada xidhiidhsan .
Waa dhir udug ,dhir cagaar iyo dhur quruxeed.hadii
urtu in uun dabiib ka noqon lahayd xanuun jira ama jiri doona ,dhirtaas
udugeeda ayaa daawo iyo dabiib looga dhigi lahaa .marka ay sankaaga xusho
neecawda urta ku rarran ee dhirta soo dhex jibaaxday ayaa ay ilaa maskaxda ku
dhex qaadaysaa,mararka qaar waxa ay maskaxdaadu u eekaanaysaa wax cusub oo
hadda dhashay oo wax walba oo lagu kaydiyo u madhan.
Waxa ay ahayd meel yaab leh!
Sidaa si le’eg ayaa daawashada ubaxa iyo maanka
dhirtaasi u daweyn karaa indho basaasay iyo kuwo busaarsadey labadaba.
Maalinta oo idil,cirka daruuro is hirdiyaya iyo
hogolo is habaynaya oo inay horaan diyaar u ah ayaa sidaa iyo sidaa u dul
damaashadayey.
Daruuruhu waxay u ee kaayeen kuwo nida ku maray in
ay buuraha iyo dhirta iska dhex baxay guntooda iyo guudkooda biyo ku shubaan .
Maalintii laba ama ka badan oo goor way hooraan
siiba waqtigan aan tagey.waxase xaqiiqdu tahay intaasi oo dhami in aanay ahayn
dabeecad meel dhulka ka mid ah lagu arko oo inta la daawado la iska dhaafo
uun,se ay tahay aayado rabi oo rumayntiisa ku xoojinaya .waxa ay idilkood
ahaayeen wax cibro iyo cashar leh oo aan kusoo arkay Sanaag.
Waxa hubaal ah inta aan soo arkay in aan qalin iyo af
midina lagaga sheekayn Karin.
Waxa sidoo kale la hubaa in intaas iyo in ka badan
oo aanaan aragi ay jiraan .
Casharo caqiidadda qofka kor uqaadaya ayaa laga soo
korodhsanayaa safarkaa iyo kuwa u dhigma ,casharo maskaxda kuu dejinaya oo aad
ka mabsuudayso ayaad kazoo baranaysaa.casharo ku ogeysiinaya hodontinimada
arladeena ayaad arkaysaa oo aad soo baranaysaa.
Safarkan iyo kuwa la mid ka ahiba wax ay ku
geynayaan duni hore kaaga qarsoonayd oo qiime iyo qaayo leh.
Hadaba waxa aan kugu la talin lahaa haddii aanaad
hore u tegin Sanaag,in aad mar soo booqato.
Hadii aad hore u aragtay in aad mar iyo marar kale
ku noqotaa waa aqoon iyo dalxiis iyo duni naftaadu u baahantahay ,Dhulka yaabka
leh ee Sanaag ,Mar soo Arag.
Qore:Saddam Xuseen Carab.

No comments:
Post a Comment