Thursday, February 5, 2015

Rafaadkii kowsar Raaxaa Ka danbeysey Qore Hal-Abuur Axmed Cali Abokor.

Rafaadkii kowsar Raaxaa Ka danbeysey(Qaybtii Koobaad)
Kawsar waa mid kamid ah caruurta uu dhalay oday Warsame oo deggan miyi aan sidaa uga fogeyn magaalada waxaa reerku ubadkale leeyihiin afar kale oo kawsar shan kutahay saddex wiil iyo labba hablood,duunyo waxa u foofta tiro yar oo adhi aan sidaa usii badnayn xoolo kale oo aan ka ahyn dameer ay reerku dhaansadaan mooyee ma jirto ,waxana reerka haysta ciidan la'aan kaga timi caruurta oo yar-yar u badan kawsar oo markaa reerka ugu weyn waxa ay isku haysaa hawlo farabadan oo ay ka mid yihiin inay maalinta dhaanku jiro ay kasoo dhaamiso ceelka oo masaafo aad u fogayn u jira,raacida xoolaha,iyo cunto karinta maadaama ay tahay gabadhii reerka ugu weyneyd caruurtana ugu muqdarsanayd .
Waxa ay intaas ku ducaysataa in ilaahay arinta si uun uga furdaamiyo ilaa dhib bay u dhimatee markaasay tan yar sidaa usii eegtaa walee adaa dhib arki waxay ku hadaaqdaa ‘’ilaahow nimaan wax ogeyn ha cadaabin’’ walee taasaa ku sugaysa markaasay

intay is ilowsiiso tiraahdaa ee waa lagula qabaa,waxa usii dheer iyadoo habeen iyo maalin canaan dhegaha lagaga jaro Xadiyo waa hooyada dhashay Kowsar waana haweenay kulayl iyo dabeecad xumi u dhalatay kaaga sii darane Oday calina waxa intaa usii dheer waxa uu doonayo hadii sida uu rabbo wax loogu qaban waayo habaar buu halkan la fadhiyaa.Hawshu waa ku badan tahay aroortii bay xoolaha foofisaa maal-maha qaar goordanbay iyadoo haraad iyo gaajo la golonshay timaadaa.
Looma tudhee waxa la yiraahdaa kaalay shaqadan soo qabo. Waxay sidii ahaatoba waxa ay ahayd inanta sidaa loo ciilay gabdh fir-fircoon aadna u maskax badan waxay go’aan ku gaadhey goor aan maalina ahayn habeena ahayn inay iska baxsato reerkooda iyadoo reerka kusii tebeysey aragtayna inay xooga madaxa lasoo kacayso gabadhii hoos u xigtey.
Intaa kabacdi kowsar waxay bilawday in ay baalagasho sidii ay ku tegi lahayd magaalada oo ay ku ogeyd habaryarteed ay horena u sahmisatay guriga habaryarteed oo ahayd qof aad u dabeecad wanaagsanyd lalana noolaan karo tolow halkee baad hawsha ka bilawdaa? dee horta maryahaaga maydho haye maxaad ku xejisa bal horta wax walba hakuu danbeeyaane bal horta maydho maryahaaga kowsar waa qof karti leh ilaa maydhis iyo waxaasi wax ka qaadan maysee {qof meeli ka cadahay meeli ka madow)ee beriba waad ka raysan ee meesha ka dhakhso tolow maxaa xigi doona.
(Qaybtii labbaad)
Waxa la galay maalintii labbaad ee ay dharkeediina u maydhan yahay waxay doon-doonaysaa mar-marsiinyo ay ku tagto magaalada ilaahay amarkii waxa reerka ka go’day sonkortii odaygii baa ku tiraabay ‘’Kawsareey waxan doonayaa Aabbo inaad reerka beritoole magaaladii ku kallahdid oo aad sonkor uga keentid magaalada dhowr cisho way inagga go’an tahay khamrad baa na laysay’’,sidoo kale odaygii dugaanka habar –yartaa ku xigeyna xoogaa buuri ah iiga soo qaad khamrad baa dhafooradu Illa qiiqayaane!.
Kowsar waxa ay la qarxi gaadhey farxad haye bay si deg-deg ah u tidhi si lama filaan ah oo aan laga fiirsan ‘’ma iminka’’ naa waalo ‘e ma habeenka waxay nafteeda ku leedahay (meel aan rabey roob ma igu helay)waxaas oo dhan waa farxada illaa farxad looma dhinto.Habeenkii oo dhan ma seexan waxadba moodaa habeenkii ay dhalatay in loogu bushaareeyey dhalasheeda malaha sidaaba ugumma faraxdeen waaba tiiyoo si yar oo lama filaan ah intay iska dhigtay qof meelahan dhow ka soo noqonaya dharkeedii geed yar oo ku yiiley wadada sii gashatay si ay halkaa uga sii qaadato beritoole,waagii baa dilaacay sidii caadadda reer miyigu ahayd waxii ilaahay markii siiyey ee cunto ah baa aroortii la dubtaa hal-mar baa gacanta la wada geliyaa intaasi kadib, waxa loo dareeraa nin waliba hawshii loo xilsaaray ,haday ahyd dhaan xoolo raacid cunto Karin safrid IWM.
Kawsar markii la gaadhey abaaro 8:00 aroornimo waxay u jihaysatey dhinacaa iyo magaalka waxay sii socotaba in door ah waxay gaadhey magaaladii nasiib wanaag guriga ay doonaysaa wuxuu ku yaalaa darafka(koornaha) magaalada waxay si toosa ugaraacday xaafadii (GOW-GOW)si xoog ah waayo qof aan u bislayn magaalada iyo dhaqankeeda . Dhawaq dheer baa guriga ka dhex baxay oo ku tiraabaya’’heedhe maxaa sidaa guriga u garaaca bal fura qofka baas xaguu ku deg-degayaa’’ waaba mid ka mid ah hablihii xaafada oo waa kawsar yar {walaal soo dhowow}haye xilimaad xaafadii ka timi reerkiise ka waran ‘’haa walaal waa iska barwaaqaysnaayeen nimcadooday nuugayeensaakaan kazoo kalahay’’ waxa xigtey habar-yarteed haye habo wanaag soo fadhiiso gabadha sharaab u soo shuba waa soo daashee maantaba waadigaa nimco lugaha lasoo galay dee halkii shaaha sharaab baa kuu galay.
(QAYBTII SADDEXAAD )
Habar-yar:reerkii ka waran
Kowsar :nimcadooday iska nuugayeen halkayagii
Habbo:ma halkiinii baa mise waa ka guurteen
Kowsar:marbaanu xagaa hoose u doog raacnay iminkase rabadintayadii baan joognaa
Habbo:ananna alxamdulilaah caruurtiina waa iska wanaagsan yihiin iminka gabadhaa kaa fureysaey albaabka uun baa joogta intii kale waxabarashay ku maqan yihiin alla hadii caruurtiinii mid uun la keeni lahaa magaalada aan wax iska baree intay xoolo dabadda ka wadi lahaayeen.
Kowsar:dee habbo aabaanu ka kari la’nahay inuu caruurta mid uun wax-baro
Waxii lays waraystoba saacadu waxay ku sii siqaysaa duhur ilaa la eedaamay, ‘’oo kaalay ma eedaankii baa?bismilaah heedhe waqtigii waxbaa eryaya kawsar habaryarteed baa sidaas ku tiraabtay.
Waa layska qadeeyey ,caadada reer magaalku siday ahayd marka la qadeeyo waa la seexdaa naftaa la rakaadiyaa si’ay hawleheeda halkaa uga sii waddo si fir-fircooni ku dheehan tahay,waxa la seexiyey Kowsar meeshii loo diyaariyey oo ay maanta kow u tahay raaxadii nafteeda maalintii ugu danbeyseyna tahay rafaadkii nolosheeda ee miyiga .Kasoo gudub wixii la hurdoba saacadihii koobnaa oo loo qoondeeyey daal-tirka baa soo afmeermay,kaca-kaca oo salaada tukada waayeelkii guriga Kowsar habaryarteed;markii maalmo sii joogtey markiiba kowsar waxa ka muuqday nuur aanay lahaan jirin illeyn waa gabadh qurux u dhalataye miyigaasaa ciilay markii ay dhawr cisho biyihii magaalada ku maydhatay Kareemadii wanwanaagsanaana isku dhabooqda waata diir-dhacsatay, waxaba la moodaa Qorrax soo baxday kowsartii aad shalay ogeydba maaha .!!!
Waxa ay habar-yarteed u cadaysay warkeeda waxayna u sheegtay in aanay ku noqon doonin rugtii ay ogeyd ayna doonayso inay wax iska barato,habar-yarteedna way ka aqbashay ballan qaadka ah in ay reerkooda ka maslixi doontona way isla qaateen,ayna nolosha intii dhaaftay ay kasoo kaban doonto.
Waxa u furmay bog cusub oo nolosha ah,waxa u bilowday nolol raaxo iyo rayn- rayn leh,nolol barwaaqo iyo badhaadho leh.Intaa waxa usii dheer iyadoo lagu daray bareefat(private)ay habluhu galabtii wax ka baran jireen iyo madarasad ay habar-yarteed duhurkii quraanka ka dhigan jirtey oo dadka waaweyn maadaama aan kawsar magaalada la qabsan lama dhex fadhiisin karo arday kurey ah waayo iyagu waa dad ku bar-baaray magaalada way ku qoslayaan(tooxsi,xaraabe)markaa intay la qabsanayso magaalada halkeedaa ha iska dhigato baa reerkii ku tashteen.
Muddo waxay sidii ahaatoba billona ay kasoo waaddey Kowsar waxa ay la soo baxday dabeecad aan reerka ubaddkoodu lahaan jirin tolow waa maxay? Waa arin ay kaga wanaagsan tahay caruurta kale way ka fahan badan tahay illaa waqtiga iyo waayahaa ciilay jaanis bay heli lahayd markiiba intaanay billo jooginba waxa ay baratay qoraalkii Af-Soomaaliga,English-ta,Carabiga.Waxa
aad ugu riyaaqay qoyskii habar-yarteed maasha allah derisyadii baa wada majeertay waxay noqotay tusaale caruurta xaafadaha ay waalidkood u daliishadaan waxa idinka fiican gabadha yar ee shalay magaalada timi,idinkana intaas oo Sanno baa wax laydin barayey hadana sidii uun baad tihiin ,Gabadhii kowsar ahayd kalsooni baa usii korodhay markii la’arkay inay tahay gabadh fariid ah waxa loo soo iibshey telephone ay casharada ku duubato maadaama oo la marayo caalim casri ah ayna kasoo gudubtey waagii mugdiga iyo madowga isla markaasna baratay qoraalkii iyo akhriskiisii.
Habeen habeenadda ka mid ah jawiguna uu degganaa dhaxanina aanay jirin kulayl sidaa usii badaninna aanuu jirin bay Kowsar iyo habar-yarteed is raaceen si ay ugu soo iibiso abaal gudkeedii Telephone iyo (shoobin-shoobin)waxay sii siyaadey dareenkeedii ku aaddanaa inay tahay qof lagu han-weyn yahay muddo markii ay mobile-kii isticmaaleysey waxa ay yeelatay asxaab aad u fara-badan oo ay kawada xidhiidheen telephonekeedii loogu soo iibshey in ay casharada ka dhegaysato,waxay si dhuumaalaysi ah habeenkii oodhan ugu haasowdaa ,uguna ugu dhex-mushaaxdaa aaladaha xidhiidhka bulshada siiba isticmaalka adeegyada casriga ah. Guntii iyo gebagebadii waxay iska heleen wiil dhalin yar ah ay aad isugu qanceen inay nolosha wada qaataan.
W/Q:Ahmed Ali Abokor

No comments:

Post a Comment